Booliska Muqdisho oo soo bandhigay xogta howlgalka socda ee ‘Samakaab’ + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlagallada ay boolisku ka wadaan caasimadda Muqdisho, isagoo shaaciyey tirada tuugo iyo gaadiid lagu soo qabtay howlagalkaan oo loogu magac daray ‘Samakaab.’

Afhayeenka ayaa sheegay in afar burcad ah oo taleefano ka dhacaya lagu qabtay degmada Kaaraan, halka degmada Hiliwaa lagu qabtay afar kale, sideedaan nin ayuu sheegay afhayeenku inay ku hubeysnaayeen bastoolado.

Sidoo kale maan-dooriye iyo afar qof oo ka ganacsaneysay ayuu sheegay afhayeenku in gacanta lagu dhigay, halka degmada Yaaqshiid la isugu geeyey ilaa 10 mooto Bajaaj oo dhac lagu geysa jiray.

Afhayeenka ayaa fariin u diray waalidiinta iyo dadka kale ee u imaanaya eedeysanayasha, isagoo u soo jeediyey in marka hore ay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, wuxuuna cadeeyey inta howlgalkaan socodo in aysan siidey doonin eedeysane la soo qabtay.

Wuxuu sheegay in mootooyinka lagu soo qabtay howlagaladaan aysan siidey doonin, “Mooto aad leedahay hadii ay jabiso sharciga, talaabo ayaa lagaa qaadi doonaa, 12:00 wixii ka dambeeya hadii la arko Mooto socota sharcigey jebisay,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay intii howlagalaadaan socdeen inay ogaadeen in dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha ay ijaartaan guryo u gaar ah, iyagoo koox koox ah, isagoo waalidiinta iyo milkiilayaasha guryaha uga digay fal-dambe oo noocaas ah.

Hoos ka daawo