Booliska MUQDISHO oo digniin kama dambeys ah u diray dadka weli degan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin kama dambeysa ah kasoo saaray dhul danguud ah oo Booliska iska lahaa, oo hadda ay degan yihiin dad shacab ah.

Dhulkaan oo loo yaqaano dhulkii dab-damiska iyo hoggaanka dhismaha Booliska ee degmada Wadajir ayaa ku yaalla kasoo horjeedka 6-biyaano, una dhaxeeya siliga Mareykanka iyo Isbitaalka Banaadir ee dhinaca midig ka saaran jidka nasteexo aada ee Isbitaal Madiino.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa muddo laba bilood ah u qabtay dadka degan dhulkaasi inay uga guuraan, si xarumahaasi loogu qabto adeegyadii danta guud ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen.

“Waxaa la ogeysiinaya dhamaan dadka degan dhulkaasi inay uga guuraan muddo 2 billood ah si xarumahaasi loogu qabto adeegyadii danta guud ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen.”

Booliska ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo, maadaama xilligaan qataraha dabku galaafteen naf iyo maal badan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinku adkaynayaa in aad waqtiga ilaalisaan oo muddadaas ku banaysaan dhulkaas Booliska ee danta guud loogu baahday,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciddii u hogaansami weysa wargelinta sare ku xusan marka waqtiga la gaaro la horgeyn doono sharciga, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.