Xog: Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo ku heshiiyey qorshe ku saabsan dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay galab la soo gaba-gabeeyey kulan gaar ah oo arrimaha dastuurka ay ka yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu hoggaaminayo.

Xogta arrimo la isku afgartay intii uu socday kulankaas ayey heshay Caasimada Online, dood dheer ayey siyaasiyiinta iyo madaxweynuhu ka yeesheen arrinta muranka dhalisay ee wax ka bedelka dastuurka.

Kulankii soo idlaaday galabta waxaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo la sugayo Puntland oo ka maqneed miiskii wada-hadalka, intii lagu mashquulsanaa arrimaha dastuurka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo jeediyey in la sugo Puntland oo hadda ku jirta doorasho, si ay talo ugu yeelato arrimaha wax ka bedelka dastuurka, madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland ayaa diiday inuu ka qeyb galo kulamadii looga hadlayey dastuurka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qaatay talooyin dhowr ah oo mucaaradku ay ku biiriyeen madaxweynaha, kuwaas oo intooda badan ku saabsan wax ka bedelka dastuurka.

Mucaaradka ayaa ku guuleystay in dib loo dhigo doodii wax ka bedelka dastuurka oo Xasan Sheekh uu qorsheynayey in la dedejiyo, iyadoo aan loo joojineyn Puntland oo diiday inay talo ku yeelato oo imaato miiska wadahadalka.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah oo balanta dib u dhigidda doodaan ay maanta madaxweynaha kala qaateen ayaa qorsheynaya inay la kulmaan guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Mucaaradka ayaa doonaya inay guddoonka baarlamaanka ku adkeeyaan qorshaha dib loogu dhigayo wax ka bedelka dastuurka, ilaa inta laga soo dooranayo hoggaanka Puntland, si ay door ugu yeeshaan go’aanada dastuurka.