Maxay tahay farriinta uu dirayo taliyaha NISA Mahad Salaad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya waxay ku jirta xilligeedii ugu fiicna xagga amniga tobankii sano ee u dambeysay.

Waxaa xal loo helay qaraxyadii gaadiidka, toogashadii argagixisada geysan jirtay iyo isku milankii argagixisada iyo laamaha amniga ee dowladda.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad waa astaanta aan muranka laheyn ee isbeddelka amni ee magaalada Muqdisho.

Iyada oo uu si baaxad leh u muuqdo isbeddelka amni ee magaalada Muqdisho maanta, haddana in isla Taliyeyaashu ay dadka si ficil ah u tusaan amniga jira oo ay dadka kalsooni siiyaan, si gaar ah Taliyaha Nabad-sugida ayaa ah dhaqan curdin ah.

Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa habeenkii Jimcihii lasoo dhaafay wuxuu dad shacab ah kula fiidsaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Galabka Jimcaha waa waqtiga ay Liido ugu mashquulka badan tahay oo ay shacabka si xoog leh u joogaan. In Taliye Nabad-sugid uu dadkaasi soo dhex istaago oo dareen wareysto oo la fiidsado waa farriin cad oo amniga Muqdisho la xiriirta.

Laba sano kahor ma jirin kalsooni ay madax heerkaasi ah ku dhex-gali karto shacab aan la baarin. La-haansho amni ayaa mararka qaar loo dhigi karaa tallaabooyinka noocaan ah.

Bishii hore sidaan oo kale ayuu Taliye Mahad Salaad wuxuu booqday suuqa weyn ee Bakaaraha oo camiran, isaga oo la dukaameystay dad shacab ah.

In caasimadda isbeddeshay ayaa si fudud lagu fasiri karaa tallaabooyinkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay inay magaalada caasimada ah u dejiyeen qorshe amni oo soo afjaraya musalsalkii dhibaatada, wuxuuna shacabka weydiistay inay si daacadnimo leh ula shaqeeyaan laamaha amniga ah ee dowladda, si gaar ah inay soo sheegaan dad uu u bixiyay Garanwaa oo caasimada ku dhex dhuunta si ay dhibaato u geystaan.

Waxay u muuqata in qorshihii amni ee madaxweynaha uu sheegay inuu miro-dhalay, sidoo kalena ay shacabka si weyn ugu soo dhawaadeen ciidanka oo ay gacan buuxda siinayaan waqtigaan.

Marka laga tago dad si siyaasi ah u diidan farriinta nabadeed ee caasimada, haddana dadweynaha si xooggan ayay u qirayaan isbeddelka muuqda.

Taliyaha NISA wuxuu laba billood oo isku xigta si ficil ah u diray farriin amni oo ah caasimada waa isbeddeshay, waa cabiran tahay iyo shaqo ayaa laga qabtay.

Dad badan ayaa ku bogaadiyay Taliye Mahad Salaad inuu dadka si ficil ah ugu sharaxay waxa iska beddelay xaalka magaalada Muqdisho 16-kii billood ee la soo dhaafay.

Muqdisho ayaa soo martay marxalad asbuuc walba kontan kontan loo aaso shacabka, iyada oo argagixisada si sahal ah u fulin jirtay qaraxyo waaweyn, ayna qabsan jirtay huteello, tii oo ay u dheereyd toogashooyinka xad dhaafka ah.