Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dhowaan xaaskiisa ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay eedeysane loo heysto in 4-tii bishaan uu xaaskiisii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali  ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu soo saaray Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali. 

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac, laakiin, aan ogaanay in  magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo.”

Booliska ma aysan shaacin halka laga soo qabtay eedeysanaha, sida loo soo qabtay iyo goorta lasoo qabtay intaba.

Bashiir Cabdi ayaa Macallin iskuul ka ahaa iskuulka Hanti-wadaag ee degmada Warta-Nabadda.

Ehelada marxuumada ayaa waxay sheegeen in argagax leh uu u dilay marxuumada, isagoo madaxa iyo qeybaha kore jirkeeda bir ugu garaacay taasoo keentay in dadku ay ka argagaxaan markii la arkay marxuumada oo gacmaha ka xerxeran oo meyd ah.

Qoyska gabadha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u danbeeyay aysan lamaanahaasi xiriirkooda fiicneyn wax wada hadalna uusan ka dhaxeyn, taasoo labada qoys ay xal u waayeen.