CC Shakuur: Qodobkii ugu adkaa saddexda qodob ee aan isku haynay DF lama fulin

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa sheegay in dowladad ay isku hayeen saddex qoddob oo midkii ugu adkaa ilaa hadda aysan fulin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qoddobada ay cabashada ka gudbiyeen ay kamid ahaayeen arrinta Somaliland, gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inaysan xukuumadda Rooble ilaa hadda qoddobka saddexaad ka qancin Musharaxiinta.

“Arrimaha doorashooyinka saddex qoddob ayaa la isku hayey oo aasaas u aheyd, qoddobka koowaad wuxuu ahaa arrinta guddigadoorashooyinka, qoddobka labaadna waxa uu ahaa arrinta guddiyada Somaliland iyo qoddobka saddexaad oo ahaa arrinta Gedo,” ayuu yiri.

“Midowga Musharaxiinta tabashooyinkaas oo dhan wey la qabeen dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inta kale, laakiin waxaa gooni u aheyd arrinta laga qabo guddiyada doorashooyinka, waxaan liis u gudbinay 31-kii bisha dadkii ay ka qabeen tabashada, waxaas oo dhan waxay sal u yihiin inaysan dhici karin doorasho cadaalad ah, maadama ay yihiin dad u shaqeeya dowladda.”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku doodaya in ujeedka u weyn ee liiska cabashada ugu gudbiyeen ra’iisal wasaare uu yahay in liiska aysan kasoo muuqan xubno dowladda ka tirsan, maadama uu musharax yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo xiligan majaraha u haya dowladda.

Waxa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay in qaabka turxaan bixinta ay u mareen guddigii uu Rooble u magacaabay xalinta tabashada aysan ogeyn, wuxuuna shaki geliyay in xukuumadda ay cabashada ka qabeen ay haddan garsoor aan la ogeyn hanaankiisa ka noqoto arrintaas.

“Hab raaca loo maray saxidaa mugdi ayaa ku jiraa, waa inay tix-gelisa dadka aragtida ka leh arrinta anaga keliya maaha, guddoonka labada aqal baarlamaanka iyo aqalka sarre cabasho ayey ka keenen. Waxkasta waa in daah-furnaan iyo si cad oo hufnaan leh u dhacaan,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa kal hor oo saaka aheyd shaaciyey mowqifkiisa ku aadan natiijadii kasoo baxday guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray cabashadii ay ka qabeen guddiyada doorashada, kuwaasi oo 34-qof oo keliya dib loogu celiyay dhinacyadii soo gudbiyey markii ay baaris ku sameeyen.

Arrinta guddiyada doorashada ayaa markale noqon karta mid caqabad ku noqoto fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho, kaasi oo dalka u jiheynayey dhanka iyo doorasho, kadib is-jiid-jiid muddo soo taagna.