Daawo: 7 Ganacsato ah oo maxkamad loo soo taagay inay KIIMIKADA qaraxyada usoo dejiyaan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadeynta Ganacsato loo haysto in Agabyada Qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab uga soo dejin jireen dekedda Muqdisho ayaa ka socota xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho.

Ragga loo haysto eedeyntan oo tiradoodu dhan tahay toddoba qof, ayaa waxaa kasoo hor muuqday maxkamadda ilaa shan Nin oo magacyadooda lagu sheegay; Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed iyo Cabdisalaam Cusmaan Maxamed.

Dacwadda dhageysigeeda ay ka bilaabatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa baxsad ka ah cadaalad oo aan kasoo hor muuqan fadhiga maanta labo eedeysane oo kamid ah ragga loo haysto inay Al-Shabaab agabyada qaraxyada uga soo dejin jireen dekedda Muqdisho, sida ku cad galka dacwadda.

Maxamed Cabdi Sheekh Cumar oo loo garan ogyahay Tuutaale ayaa ah eedeysanaha koowaad ee loo haysto agabyada qaraxyada ee Al-Shabaab looga soo dejin jirey dekedda Muqdisho, waxaana maxkamadda lagu soo bandhigay wada-sheekeysi la sheegay inay dhex-mareen isaga iyo ganacsade dibeddda jooga.

Cadeynta la horkeenay maxkamadda ayaa muujineysa eedeysane Maxamed Cabdi Sheekh iyo ganacsade kale oo dalka Shiinaha jooga oo tijaabo horudhac ah ka sameynaya agabyada ka hor inta aan laga soo dejin dekedda, si waxtarkeeda muhalignimo loo hubiyo.

“Xaqiiqda waxaa la ogyahay in qaraxyada daawooyinkaan iyo kiimakadaan loo isticmaalay oo fuleen dad ku dhamaaday huteelo, goobo dadweyne iyo xarumo dowladeed, shaqsiyaad la yaqaan iyo dad shacab ahba ay ku dhamaadeen, waxaana codsaneyna in eedeysanaha koowaad ay maxkamadda ku xukunto dil,” ayuu yiri mid kamid ah xafiiska xeer ilaalinta ciidanka qalabka-sida oo dacwada kusoo oogay raggaan.

Sidoo kale qareeno u doodayey eedeysanayaasha ayaa ku dooday in aan lagu fulin dil toogasho ah raggaan loo haysto inay ka dambeeyen keenista agabyada qaraxyada loo adeegsado, isla-markaasna aan loo gaar yeelin ciqaab aan dalka ka jirin, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, waxaa maanta soo xirmay dhageysigii koowaad ee kiiska dacwada loo haysto raggaan, iyada oo uu guddoomiyaha maxkamadda darejada koowaad ee ciidamada qalabka sida uu sheegay inay maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto.

Hoos ka daawo qaabka ay u dhacday dhageysiga maxkamadda