Xog: Saameynta Villa Somalia ee magacaabista gudiyada harsan oo sii kordheysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa sababta ay Maamul Gobaleedyada HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya aysan ilaa hadda usoo gudbin xubnaha maamuladooda ku matalaya doorashooyinka Soomaaliya ee heer dowlad gobaleed iyo heer qaran, xilli ay soo gudbiyeen Maamulada Puntland, Jubaland iyo qeybtii waqooyi ee laga sugayay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa kuwii diidanaa soo magacaabista guddiyada doorashada intii ay socotay muranka doorashada Soomaaliya, halka maamulada HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo magacaabeen, balse waxaa hadda muuqata in xaaladda dhinaca kale isu rogtay. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in Villa Somalia ay door weyn ku leedahay magacaabista guddiyada cusub ee saddexda maamul ee wali dhiman islamarkaana ay socdaan wadatashiyo arrintaas ku saabsan oo u dhaxeeya madaxtooyada iyo maamulladan. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan dowladda islamarkaana ku dhow Madaxweyne Farmaajo islamarkaana soo magacaabay guddiyadii hore ee maamulada saddexda ah ay hadda wali ku howlan yihiin sidii guddiyada cusub loo saari lahaa, waana sababta keentay in ay dib u dhacaan.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in inkasta oo mucaaradka laftooda ay isku dayayaan inay arrintan ku lug yeeshaan, haddana Guudlaawe, Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Mahdi Guuleed laga filayo guddiyo taabacsan Farmaajo, taasi oo sare u qaadeysa qorshihiisa inay soo baxaan xildhibaan taabacsan.

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay si toos uga billaabato goballada dalka, iyadoo ay socdaan diyaar garow ballaaran oo arrimaha doorashada ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wado dadaallo badan uu ku xalinayo dhamaan tabashooyinka jira.