Saameyn noocee ah ayuu Isbaheysiga cusub ku yeelan karaa hogaanka Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, saacado un kadib markii la shaaciyey natiijooyinkii u dambeeyay ee golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Isbaheysiga cusub ayaa waxa uu mideynaya xubnaha goleyaasha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee kasoo baxay xisbiyada Waddani iyo Ucid, taasi oo ka dhigeysa inay noqonayaan aqlabiyada goleyaashaas.

Waddani iyo Ucid ayaa isbaheysigan cusub u sameystay sidii ay saameyn xoogan ugu yeelan lahaayeen hogaanka Somaliland, gaar ahaan hogaanka golaha deegaanada iyo guddoonka golaha wakiilada Somaliland.

Isbaheysiga ayaa dhigaya in xubnaha labada xisbi ay ka wada-shaqeeyan sidii ay u kala qeybsan lahaayeen maayirada iyo kuxigeenada degmooyinka Somaliland, sidoo kalena ay u dooran lahaayeen guddoonka iyo kuxigeenada golaha wakiilada.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno sarre oo ka tirsan labada Xisbi, ujeedka u weyn ee isbaheysiga Mucaaridka ayaa ah sidii hogaanka degmooyinka iyo guddoonka golaha wakiilada uusan hal kursi uga helin xisbul xaakimka Kulmiye.

Kulmiye oo ah xisbiga haya tallada Somaliland ayaa inta badan hore u hayey hogaanka golaha deegaanka degmooyinka iyo golaha wakiilada ee hore, hase yeeshe tallaabada ay mucaaridku qaadeen ayaa meesha ka saareysa in marnaba uu kusoo laabto hogaanka golayaashaas.

Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeyn doonaan sidii labada xisbi u kala qeybsan lahaayeen hogaanka cusub.