Ciladaha Madaxweyne Farmaajo ma sababi karaan soo laabashada XASAN?

Afar sano kaho,r Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa madaxweyne marki hore ka yimid dhinaca bulshada rayidka ah ayaa baneeyey maamulka Villa Somalia, wuxuu baxay iyadoo dad badan ay qabaan inuu ahaa madaxweyne gaabiyey oo la heli doono badal ka fiican, laakiin afar sano kadib aragtii maalintaas la qabay waxay u muuqataa inay geeriyootay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Somali American ahaa ayaa xafiiska la wareegay, filasho ka ballaaran siyaasi walba oo Soomaali ah ayaa laga qabay Farmaajo, waxaana dadka u sawirneyd in la heli doono nidaam xaq soor ah, ilbax ah, adeegyo cusub soo kordhin doono oo sharciga aan ka leexan doonin.

Xataa Al-Shabaab oo ah isbaarada koowaad ee hor taalo dowladda Federaalka ah ayaa laga soo tabiyey inay ka walaacsanaayeen culeyska uu la imaan doono Farmaajo. Laakiin afartii sano ee Farmaajo ayaa dhamaatay iyado dad badan qabaan inay qalad aheyd in Xasan Sheekh laga tuuro xilka.

Maxaa badalay aragtii la aaminsanaa Maalintaas?

Amniga

Waxaa la filayey inuu amniga kasoo roonaan doono intii hore, lana cirib tiro doono Al-Shabaab, taas waxba iskama badalin.

Al-Shabaab waxay markii ugu horeysay canshuurtay Dekadda weyn ee Caasimadda Muqdisho, waxayna canshuur kusoo rogeyn qaar ka tirsan shaqaalaha Dowladda.

Qaladaad badan oo dhanka amniga ah ayaa dhacay afartii sano ee uu xukunka hayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dad badan u sawirmatay in amnigii lagu fashilmay.

Dadka ammaanka ku takhasasay waxay qabaan marka laga soo tago mushaarka joogtada ah inaysan jirin shaqo kale oo uu Farmaajo la yimid oo dhinac ammaanka ah.

Xasan Sheekh, afartiisii sano wuxuu inta badan Gobolada dalka ka xoreeyey Al-Shabaab, afartii sano ee Farmaajo waxaa si weyn ciidamada loogu adeegsaday arrimaha siyaasadda, waxayna taas dadka xasuusisay in laga soo guuray aqal dimoqraadi ah oo loo soo guuray xabsi siyaasadeed.

Ciidanka waxaa kaloo argagax ugu filneyd in qofkii Farmaajo ka hor yimaado laga qaadayey darajada ciidanka iyo xuquuqdiisa gaar ahaan mushaarka taasoo aheyd dhaqan aan la adeegsan dowladdii kacaanka kadib.

Dhinaca Maamul Goboleedyada

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa shidaalkii uga dhammaaday inay iska difaacaan nidaamkii Farmaajo, qaarkood xoog ayaa lagu bixiyey qaarna waxaa lagu ilhaaneeyey lacag .

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii Ramadaan ee lasoo dhaaftay waxaa laga soo xigtay inuu rabay in maamul Goboleedyada lagu dhaqo xeerar kasoo baxaya baarlamaanka Dowladda Dhexe, taasoo ka dhigan inuu rabay inuu laalo sharciyada maamul Goboleedyada ku dhisan yihiin taasoo ah arrin si weyn uga fog wixii ay Soomaalida ku heshiisay.

Maamulada ka badbaaday gulufkii Farmaajo iyo kuwii uu hoggaamiyaasha dul dhigay dhammaan waxay daremayaan qatar ballaaran haddii Farmaajo kusoo laabto xafiiska.

Dhinaca Xasan Shekh Maxamuud, waxaa uga muuqato madaxda Maamul Goboleedyada inuu yahay siyaasi aaminsan in dadka loo madax baneeyo inay is maamulaan, ugu yaraan maamulada waxay dareemayaan inay ka nabad galayaan Xasan Sheekh hadduu kusoo laabto xafiiska.

Dhanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay afartii sano ee Farmaajo la kulmeyn cadaadis xoog leh, waxay aheyd markii kowaad ee la isku dayey in Xildhibaano xasaanada laga qaado. Xildhibaano ayaa sidoo kale awood ciidan looga hor istaagay inay ka qeyb galaan kulamada baarlamaanka, qaar ayaa baarlamaanka dhexdiisa lagu handaday, dhower jeer ayaa ciidan gudaha loo geliyey xarunta Golaha Shacabka, waxaana kaloo baarlamaankii laqday oo sidii ay rabto u isticmaashay Xukuumadda .

Waxay afartii sano ee lasoo dhaafay xildhibaanada arkeyn guddoomiyahooda oo lagu qasbayo inuu is casilo iyo midkii badalay oo korontadii iyo biyihii laga jartay guriigiisa. Walaac, cabsi iyo ilhaano ayey ku qaateyn afartoodii sano.

Xildhibaanada imaan doono ee labada gole kama fakari doonaan kaliya lacag ee waxay sidoo kale ka fakari doonaan sharaf, xasaanad iyo halka ay qiimeyn ku heli doonaan, tani way sii fogeeneysaa rajada Farmaajo.

Xagga Beesha Caalamka

Isku dhaca Farmaajo iyo Beesha Caalamka wuxuu bilowday markii uu Ra’isulwasaaraha ahaa, balse afartii sano ee lasoo dhaafay waa xargo goostay dagaalka Farmaajo iyo Beesha Caalamka.

Lix wadan iyo ururo caalami ah ayaa joojiyey kaalmadii ay siin jireyn Soomaaliya, waxaana ugu wacan hab dhaqanka maamulkii uu waqtiga ka dhamaaday. Cilaaqaadka wadamada dariska ah ayaa isna gaaray meeshii ugu xumaa in muddo ah.

Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa si weyn u saameeyey Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kale shacabkii la shaqeysan jiray dalalka dariska ama kuwii wax ka heli jiray deeqaha Caalamiga ayaa dhibaato weyn kaso gaartay arriimahaan.

Dhammaan qodobadaan waxaa loo badan yahay inuu Xasan Sheekh kaga fiicnaa Farmaajo kaasoo dalka wareejiyey iyadoo uu wacan yahay cilaaqaadka beesha Caalamka midka dalalka dariska ah, awooddii Al-Shabaab la wiiqay, maamul Goboleedyadii la dhameystiray, dalkana uu dhaqaalo ahaan soo kabanayo.

Dad badan waxay qabaan in ficiladaas halaagsamay ee madaxweyne Farmaajo inay fursad weyn siin doonaan Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo maanta loo arko madaxweyne loo darsaday.

Hadda waxaa la joogaa xilligii doorashada Soomaaliya, dadka siyaasadda ka faalooda badi waxay qabaan in farsamo xumaadii Farmaajo ay si weyn u caawin doonto inuu Xasan Sheekh kusoo noqdo kursiga.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid