Madaxweynaha Jubbaland oo xil cusub magacaabay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey macaabis cusub, kadib wareegto uu soo saaray.

Axmed Madoobe ayaa maanta Injineer Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland oo lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabo in xal waara loo helo maareynta arrimaha qaxootiga dib u soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha.

“Markuu la tashaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale waxa lagula dar-daarmay mas’uulkan cusub inuu waajibkiisa shaqo guto, isla-markaana uu wax ka qabto dhibaatooyinka ay wajahayaan qaxootiga iyo barakacayaasha.

Guddoomiyaha cusub ee gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa sidoo kale horay u soo noqday wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland.

Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa xilligan ku sugan qoysas barakacayaal ah oo wajahaya xaalado nololeed iyo qaxooti kasoo noqday xeryaha Kenya oo dib u dajin loo sameeyey.