Aragtida Mahad Salad & Fiqi ee ku aadan go’aanka gudigii uu magacaabay ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salaad iyo Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyey tallaabada ay qaadeen guddigii wasiirrada ahaa ee faaf-reebka guddiyadaas uu u xil-saaray ra’iisul wasaare Rooble.

Guddiga oo hoggaaminaayey wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey liiska 34-xubnood oo ay ku qanceen in laga saaro guddiyada doorashooyinka, kadib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen 67-dii xubnood ee golaha midowga musharaxiinta ay dalbadeen in la bedelo, hase yeeshee waxay liiska ku reebeen 33 xubnood oo kale.

Ugu horeyn qoraal uu soo saaray xildhibaan Mahad Salaad ayuu ku bogaadiyey, kuna soo dhaweeyey shaqada guddiga heer wasiir ee R/Wasaare Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnaha guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo magacyadooda ay horay u soo gudbiyeen Midowga Musharaxiinta.

“Waxaan codsanaynaa in si buuxda loola shaqeeyo R/W Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Dhankiisa wasiirka amniga Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa bogaadiyey shaqada guddiga heer wasiir ee R/Wasaare Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnihii guddigii doorashada ee cabashada laga keenay iyo go’aanka ay ka gaareen.

“Inkastoo dhallinyaro Soomaaliyeed ay ahaayeen xubnaha liiskooda la celiyey oo aan colaad gaar ah loo qabin haddana in dalka doorasho lagu kalsoon yahay  ay ka dhacdo ayaa ku xirantay ayna lagama maarmaan noqotay in isbedel lagu sameeyo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Fiqi.

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Xubnaha cusub ee la soo magacaabayo waxaa muhiim ah in ay noqdaan kuwa heli kara kalsoonida dhammaan saamilayda ku lugta leh doorashada, Raysulwasaare Rooble-na uu hubiyo xubnaha cusub ee la soo magacaabi doono, si la mid ah sidii loo hubiyey kuwii hore oo kale.”

Hase yeeshee waxaa si adag u saluugay tallaabadii guddiga oo waxba kama jiraan ka soo qaaday siyaasiyiin uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo sheegay in uusan ka qeyb geli doonin doorasho ay maamuleyso NISA.

Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabadii uu qaaday guddiga wasiirrada ah ee uu arrintaan u xil-saaray ra’iisul wasaare Rooble.

Xubnaha ay mucaaradku dalbanayeen in la bedelo waxay ku eedeeyeen inay ka kala tirsan yihiin  shaqaalaha dowladda, ciidamada qaranka iyo taageerayaasha Farmaajo, waxaana la sheegay in kuwoodii ugu caansanaa ay ku jiraan xubnaha laga reebay guddiyada doorashada.