Go’aan culus oo laga gaaray in masuuliyiinta DF ay xirtaan waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba mamnuucay in masuuliyiinta dowladda ay danahooda gaarka ah isaga xirtaan waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha ganacsiga caasimadda ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib la aqbali doonin in masuul dowladeed uu iska xirto waddo, si usoo fushado danihiisa gaarka ah, xilli muddooyinkii dambe uu reysanayay ammaanka caasimadda.

“Dadyowga masuuliyiinta ee marka ay rabaan in tukaan ka ganacsadaan waddooyinka xiranaya. Qof masuul ah ayaa Wadadda weyn Maka Al-Mukarama iyo kuwa lamidka ah inuu qof dantiisa raba inuu tukaan u galo u xirto wadadda oo loo xayiro Wiil iyo Hooyo Soomaaliyeed oo shaqo u socota, Aabe Soomaaliyeed oo isbitaal u socday iyo Gabar Soomaaliyeed oo ardayda ah inay u xayirnaato qof dukaameysanaya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa mamnuuc laga bilaabo maanta in masuuliyiinta dowladda ay danahooda gaarka ah ay isaga xirtaan wadooyinka iyo goobaha ganacsiga ah, hubna ay la galaan isbitaalada goobahaas oo kala dhaxaysa shacabka.”

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in isbeddelka ku yimid amniga caasimadda ay qeyb weyn ka qaadatay wada-shaqeynta ciidamada amaanka, oo markii hore meelo kala duwan amarka ka qaadan jirey, balse hadda hal meel amarka ka wada qaata.

“Wada-shaqeynta Ciidamada Amaanka oo gaab uu jiray hadda hal meel ayey amarka ka wada qaataan, madaxda qaranka uu Madaxweynuhu ugu horeeyana waxay nagu hagayaan in aan la dagaalano Khawaarijta Nabada u diidan shacabka caasimadda degan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu digniin kama dambeysa ah u diray dadka qaar ee weli degmooyinka ku dhex wata hubkii la mamnuucay, kuwaasi oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Looma ogola qof qori wata oo aan ka tirsaneyn ciidanka, ee magaalada qori ku wata ee la qabto sharciga la horgeyna oo qorigiisana waa lala wareega,” ayuu yiri taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.