Garaad Jaamac oo shaaciyay tallaabo uu ciidankoodu qaadayo kadib dhawaaqii Biixi

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa shaaciyay in ciidamadoodu ay go’doon galin doonaan ciidamada Somaliland, kadib hanjabaadii kasoo yeertay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee aheyd in dagaalka uusan joogsaneyn.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in hadalka Biixi uu yahay qiraal ku aadan duulaanka uu ku ahaa dhulka SSC-Khaatumo, ayna hadda waxba dhowrsaneyn, maadaama ay muddooyinkii dambe dalbanayeen in ciidanka Somaliland laga saaro gobolka, si xal looga gaaro oo miiska wada-hadalka la isku imaado.

“Shalay hadaanu baryaynay oo aanu lahayn guryihiina ku noqda maanta iyaga ayaa na baryi doona,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo sheegay in hada dagaalka balaadhinayaan oo ay xidhi doonaan wadada uu saadku u maro ciidamada Somaliland ee saldhigooda u weyn yahay Goojacadde

Garaadka Guud ee SSC ayaa duulaanka cusub ee qaadayaan ciidamadooda ku macneeyay is-difaac ay ku xoreysanayaan dhulkooda, oo uu sheegay inuu duulaan bareer ah ku yihiin Muuse Biixi iyo ciidankiisu.

“Laascaanood ma degana Isaaq, Muuse Biixi reerkiisu ma degana, waxay degan yihiin waa Berbera, Hargeysa iyo Burco, haddii aan anagu duulaan ku ahaan laheyn Hargeysa, anaga duulaan ahaan laheyn waa la garanaya ninka duulaanka ah marka arrintaan laba-labeyn ma lahan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in la waayay cid madaxweyne Biixi uga ergaysa oo ku qancisa inuu ciidanka ka saaro SSC, sidaas darteed ay qaateen go’aanka ah inay xiraan wadada kaliya ee ciidamada Somaliland usoo marti taakulada iyo saadka.

“Gurigiisa intuu ugu yeedhay (ergadii odayaasha aheyd ee Muqdisho ka tegay) ayuu qaabili waayay, kadibna iyaga oo wali gurigiisa ku sugan ayuu yidhi xabada joojin mayno ilaa aanu gaadhno xad beenaadkii gumaystuhu u kala qaybiyay umada Soomaaliyeed markaa nabadaasi maalinta ayay dhimatay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Marka ay inoo muuqatay inaysan jirin cid Muuse qaban karta, wadaddaas sabab ay noogu furnaato majirto, markii horeba awood la’aan uma furneyn ee waxay u furneyd in ciidankaas guryahooda ku noqdo, mar haddii ay taas dhaceyn in aan wadaddii xirno ayaa go’aansanay, weyna xidhmaysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay inay jiraan ciidamo aan ahayn kuwa deegaanka ee SSC oo dagaalamaya Laascaanood, kadib markii uu maamulka Muuse Biixi uu sheegay inay halkaas ka dagaalamayaan kooxo huwan ah.

Dhawaaqan cusub ayaa imanaya xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu shalay sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay.

“Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.