Madaxweynaha Ukraine oo safar lama filaan ah ku tegay Sacuudi Carabiya

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Jimcaha maanta ah gaaray magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Safarkan lama filaanka ah ee Zelenskiy uu ku tegay Jeddah ayaa imanaya, iyada oo madaxweynaha Syria Bashaar Al-Asad oo si weyn u taageeray Ruushka dagaalka sokeeye, uu sidoo kale goobjoog ka noqon doono kulanka Carabta.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa waxa uu halkaasi ku tagay diyaarad ay leedahay dowladda Faransiiska.

Zelenskiy ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo shirka madaxda G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhamaadka todobaadkan.

“Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay ciyaareysaa door muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan wada-shaqeynteenna gaarsiino heer cusub,” ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wax yar kadib markii uu gaaray Jeddah.

Booqashada Zelenskiy ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu ku tago Sacuudiga, taasi oo muujineysa sida uu udaneynayo inuu kor u qaado xiriirka uu la leeyahay waddamada Carabta.

Volodymyr Zelenskiy ayaa waxa uu horey u booqan jiray oo kaliya xulafadiisa Yurub iyo Mareykanka.