Xasan oo ka mahad-celiyay dal aan la fileyn oo 67% ka cafiyay deyntiisa Somalia

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Jeddah ayaa maanta halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane Mohammed Shia al-Sudani.

Labada hogaamiye ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka mahad-celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen.

Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la-dagaalanka aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Isku soo wada duubo, Waxaa xilligaan si habsami leh u socda barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayada oo ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.