Booliska oo shaaciyay in Atooraha Badda Liido uu dilay saaxiibkiis Leeleefow

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo goordhoweyd shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah-faahin ka bixiyey dilka Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido”.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaris uu sameeyay Booliska Soomaaliyeed lagu ogaaday in dilka xalay loo geystay Atooraha Badda Liido oo ahaa samafale dadka u gar-gaara uu fuliyay Nin saaxiibkiis ah oo ay isla shaqeyn jireen.

“Baaris dheer oo ay sameeyen Booliska Soomaaliyeed ayaa la helay xaqiiqda kiiska, waxa uuna ka dhacay kiiskaan gudaha gurigaan oo waxaa is qabsaday labada shaqsi ee Atooraha Badda iyo Leeleefow oo ah Ninka Atooraha Badda la jila filimada, labadoodii oo dad muxsiniin ah usoo diraan lacago ay ku caawiyaan bulshada Soomaaliyeed ayaa khilaaf ka dhashay cadadka lacagta oo batay ayay ku sababtay labadoodii inay isku gacan qaadan uu midkoodna ku dhintay,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii hore Shuceyb Leeleefow oo ah ninka dilay Saaxiibkiis Atooraha Badda uu isku dayay in uu maran-habaabiyo kiiska oo uu dusha u saaray kooxda Al-Shabaab, hase yeeshe markii dambe ay cadaatay inuu dilka geystay.

“Gacan ku dhiiglaha waxa uu qirtay in uu isaga geystay dilka oo khilaaf dhex-maray oo mindi la isku dhuftay, kadibna ay bastoolada soo dhex-gashay dilkan uuna fuliyay gacan ku dhiiglaha uu gacanta ku hayo Booliska.”

“Sida ku cad warbixinta uu qoray gacan ku dhiiglaha waxa uu sheegay in lacag lixdan kun iyo ka badan ay dhexdooda taalay oo isku khilaafeen. Bastoolada iyo Mindidii la isku dagaalay ayuu saqafka ku tuuray, ugu dambeyntiina waxa uu qirtay in Saaxiibkiis uu gacantiisa ku baxay.”

Allaha unaxariiste Marxuumka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa darajadiisa Isbatoore, wuxuuna ku howlanaa inuu ciida ka farxiyo caruur agoon ah iyo kuwa aan waxba haysan oo uu ciidsiiyo.