Saddex dhacdo oo xiise leh oo lagu xasuusto xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay guddoomiye kuxigeenka koobaad u doortay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas loo doorto.

Waxa ay wareegga labaad kaga guulaysatay xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug, iyadoo heshay 137 cod, halka uu isna helay 107 cod.

SacdiyA waxa ay hore u soo ahayd baarlamaankii kan ka horreeyey, iyada oo si weyn loogu xasuusto mucaaradnimadeedii xukuumaddii Farmaajo oo ay ka mid ahayd xubnihii ka soo horjeeday ee golahaas ku sugnaa.

Haddaba si gaar waxaan u jalleeci doonnaa dhawr jeer oo Sacdiyo ay qabsatay hadalhaynta dadka, xilliyadii ay ku jirtay baarlamaankaas.

Firimbigii ay Farmaajo ku yeerisay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii juun 2020 firimbi ama siidhi lagu yeedhiyey xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu khudbadda billaabay 90 ilbidhiqsi gudahooda waxaa qaar kamid ah mudanayaashii golahu ay billaabeen buuq iyo foodhi, taasoo dhalisay in muddo 10 daqiiqo ka badan ay hakad gasho khubaddiisa.

Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil iyo Xildhibaan SacdiyA Yaasiin, oo maalintaas muuqaalkoodu aad u dhex wareegay baraha bulshada. Waxaana la arkayey Xildhibaan Sacdiyo oo firimbi u tumaysa si aan kala joogsi lahayn si ay u khalkhal geliso khudbaddii madaxweynaha.

‘You have to be apologized’

Malmaha kale ee Xildhibaan Sacdiya lagu xasuusto waxaa ka mid ah murankii ku saabsanaa kootada haweenka ee in loo xidho boqolkiiba soddon ee ku dhex maray golaha iyada iyo xildhibaanadda kale ee Farxiyo Muumin.

Xildhibaan Farxiyo oo dhaliilaysay habkii ay Sacdiyo uga hadashay hawshaas ayaa u adeegsatay weedha ingiriisada ah ee ‘shame on you’ taas oo iyana markii danbe ka cadhaysiisay xildhibaan Sacdiyo, keentayna in ay mar kale ku soo noqoto goobtii hadalka oo ka jaawabto.

Weedhihii ay is dhaafsadeen oo hadalhayn ka abuuray baraha bulshada waxaa laga xasuusta xildhibaan Sacdiyo oo ugu baaqaysa xildhibaanadda kale ee Farxiyo in ay raalligelin ka bixiso eeddii ay u jeedisay, waxaana maalinkaas hadalladeedii ka mid ahaa ‘ aniga shame on you iguma dhihi kartid sababta oo ah codkaygaan leeyahay oo waxaan doono ayaan ku hadli karaa. You have to inaad soo kacdid, you have to be apologized..”

Waxaana badanaa hadallada Sacdiyo laga dhex arkaa weedho luuqadda ingiriisida ah oo ay adeegsato xilliyada qaar marka ay hadlayso.

“Gurigaygii oo aan 1500 oo dollar oo kiro ah ka bixiyo laba sano ma gelin”

Badhtamihii sannadkii tegay baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliya waxaa qabsaday qeylo dhaan ku saabsan gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA, taas oo la waayay.

Ikraan Tahliil Faarax oo aan illaa iyo hadda xog rasmi ah laga hayn waayiddeeda, waxa ay muddooyinkii u danbeeyey ahayd mid ka mid ah salka khilaafyada isbiirsaday ee Soomaaliya, taas oo ay ku kala duwanaayeen madax badan. Xildhibaan Sacdiyo waxa si gaar ah loogu xasuustaa in ay ka mid ahayd xidlhibaannadii u taagnaa dabagalka iyo ka hadlidda arrintaas, iyada oo dhawr jeer Muqdisho kaga qayb gashay xus loo samaynayey inantaas.

Mid ka mid ah xusaskaas waxa ay ka sheegtay Sacdiya iyada oo ka warramaysa xaalka dalku marayey wakhtigaas in aysan gurigeedii tagin muddo laba sano ah.

“Miyaad rumaysanaysaan gurigaygii oo madaxtooyada dhexdeeda ku jira oo aan kiro illaa haddeer bixiyo in aanan laba sano tegin. Aniga oo xildhibaan ah ayay sidaasi igu dhacday oo bannaanka reero la nool” ayay ka sheegtay xildhibaan Sacdiyo kulankaas iyada oo muujinaysa sida ay wax u saameeyeen.

Xildhibaan Sacdiya ayaa ka mid ahayd xildhibaannadii ugu firfircoonaa ee ugu doodaha kululaa baarlamaankii dhammaaday, hadday tahay dhanka u doodidda haweenka, mucaaradka iyo weliba saamiqaybsiga siyaasadda Soomaaliya oo ay dhaliili jirtey habka 4.5 iyo saamiga Aqalka sare ee beelaha.

Isha; BBC Somali