BOOLISKA oo soo bandhigay nin hubeysan, shaaciyayna qorshe uu damacsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Nin hubeysan oo ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen xili uu dil u geysan rabay Askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninkaan hubeysan oo watay bastoolad.

“Ninkaan ayaa markii la qabanayay wuxuu doonayay inuu degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ninka hubeysan ee ciidanka ay soo qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf

Ciidanka Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili ay muddooyinkii dambe kordheen falalka liddiga ku ah amniga, sida weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.