Maxaa qabsaday ninkii reer IRAN ee u dabaaldegay guushii xulka Mareykanka?

Tehran (Caasimada Online) – Nin Iranian ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka kadib markii uu u dabaaldegay guushii ay xulka Mareykanka ka gaareen dalkiisa, taasi oo ka reebtay Koobka Adduunka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay kooxaha xuquuqda aadanaha.

Xulka Mareykanka ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Iran habeenkii Talaadada, taasi oo dhalisay falcelino kala duwan oo ka kala yimid taageeraayasha rajiimka iyo kuwa kasoo horjeeda.

Qaar badan ayaa diiday inay taageeraan xulka qaranka ayaga oo kaga jawaabaya howlgallada dhiigga uu ku daatay ee dowladda ay waddo kuwaas oo lagu joojinayo dibadbaxyada socda labada bil ee ka dhashay dilkii Mahsa Amini.

Mehran Samak, oo ahaa 27 jir, ayaa la toogtay kadib markii uu yeeriyey hoonka baabuurkiisa isagaa dabaaldegaya, magaalada Bandar Anzali oo ku teedsan Badda Caspian, islamarkaana waqooyi galbeed ka xigta Tehran, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Samak “waxaa si toos ah u beegsaday oo madaxa ka toogtay ciidamada ammaanka… kadib guuldarradii xulka qaranka ay kala kulmeen Mareykanka,” ayey tiri kooxda xuquuqda aadanaha Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Oslo.

Sidoo kale Xarunta Xuquuqda Aadanaha Iran ee (CHRI) oo fahdigeedu yahay New York ayaa werisay in Samak ay dileen ciidamada ammaanka isaga oo u dabaaldegaya guusha Mareykanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Iran oo ku aadan dhacdadan.

Xiddiga qadka dhexe ee Iran Saeid Ezatolahi, oo cayaaray kulankii Mareykanka, islamarkaana kasoo jeeda magaalada Bandar Anzali, ayaa shaaca ka qaaday inuu garanayey Samak, wuxuuna baraha bulshada soo dhigay sawiro ay ku wada jiraan.

“Kadib guuldarradii xanuunka badneyd ee xalay, warka ku saabsan geeridaada ayaa dab ku shiday qalbigeyga,” ayuu Instagram kusoo qoray Ezatolahi.

Kama uusan hadlin xaaladda dhimashadiisa, balse wuxuu sheegay “maalin un daboolka wuu qaadmi doonaa, runtana way caddaan doontaa.”

Wuxuu intaas ku daray “Tani ma ahan wax ay dhallinyaradeena u qalmaan. Tani ma ahan wax qarankeenu mudan yahay.”

AFP