Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu dilay xaaskiisii oo u dhashay saddex carruur ah.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigey maanta Maxamed Ismaaciil oo ku eedeysan dilka xaaskiisii.
Howlgalka lagu soo qabtay ninkaas ayaa dhacay maanta duhurkii sida lagu shaaciyey warbixinta booliska, waxaana da’diisa lagu sheegay 44 jir.
Waxaa ninkaas laga qabtay deegaanka Garasbaaley, waxaana lagu sheegay warbixinta booliska in Maxamed uu dilkaas u geystay si bareer ah.
Xabiibo Xuseen Cabdullahi ayaa la sheegay magaca haweeneyda ninkaan loo heysto inuu dilay oo u dhashay seddax caruur ah.
Waxay aheyd 34 jir ninka dilay u dhashay 3 wiil, falkaan dilka ah waxaa loo adeegsadey toorey uu watey eedeysanaha, wuxuuna ka dhacay deegaanka Garasbaalay, gaar ahaan waaxda 2-aad dhinaca Xoosh.
“Ciidanka Boliisku waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglaha oo asagana dhaawac isku geystey, waxaana dhaawaciisa lagu daweynayaa isbitaalka Boliiska ee Madiina, iyadoo sida ugu dhaqsida badan loo hor geyn doono cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.