26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Booliiska Somalia oo muddo 4 bil ah loo qabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa amaro cusub kusoo rogay ciidamada booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala guud ahaan gobolada kala duwan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada booliska ee aan aqoon  aqriska Af-ka Soomaaliga iyo xisaabaadka aasaasiga iney ku bartaan muddo afar bilood oo kaliya haddii kalana ay sharciyo adag la kulmi doonaan.

Taliyaha ayaa sheegay in amarkaasi uu yahay mid ku wajahan min dable ilaa kormeero seddexaad kuwaasi oo looga baahan yahay iney bartaan afka Soomaaliga iyo xisaabaadka aasaasiga ah.

“Waa talaabooyin lagu adkeynayo aqoonta iyo tayada Ciidamada Boliiska Soomaaliyed, askari aan luuqadiisa qori karin kama mid ahaan doono Ciidamada Boliiska.”ayuu yiri Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Boliiska Soomaaliyed.

Taliyaha booliska Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, ayaa ugu baaqay ciidamada guud ahaan ee booliska iney si anshax ah kula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News