Xog cusub: Musuq maasuqii ugu badnaa oo lagu helay wasaarada maaliyada & madaxda qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Soomaali ah, ayaa shaaciyay heerka uu la egyahay musuq-maasuqa ay isla daadihinayaan Madaxtooyada Somalia iyo Wasaarada Maaliyada DF Somalia.

Musuq-maasuqa ayaa la sheegay in sanadkaani uu gaaray heerkii ugu adkaa waxaana lasoo warinayaa in dhaqaalaha kusoo dhaca Qasnada DF Somalia 60% uu ku dhaco jeebka Madaxda Qaranka Somalia, kadib heshiis dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali iyo Wasiirka Maaliyada.

Heshiiska ayaa dhigaaya in kala bar dhaqaalaha kusoo dhaca qasnada Dowlada loo weeciyo Xarunta Madaxtooyada Somalia, gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Xassan oo isagu ku xalinaayo amuurihiisa gaarka ah, sida ay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia qabaan iyo tirro Siyaasiyiin ah.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Heshiiskaasi ay si gaar ah Madaxtooyada Somalia ugu gaaren Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyada, si Xassan Sheekh uu dhaqaale uga abuuro mudada uga harsan xilkiisa islamarkaana kusoo galo doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somalia.

Xildhibaanada BF Somalia ayaan muddo laba bil ah qaadan Mushaaraadkii ay ku lahaayen DF Somalia, halka Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowladuna aan intooda badan mushaar lasiin Seddex bil oo xiriir ah markii laga reebo shaqaalaha ay diiwaan gishteen shaqsiyaadka ugu sareeya dalka.

Ciidamada hoostaga Talisyada Booliska, Nabadsugida iyo Militeriga ayaan qaadan wax mushaar ah, sababo la xiriira Musuq-maasuqa sii baahaya ee ka taagan Xafiisyada heerka Qaran gaar ahaan Wasaarada Maaliyada oo gabi ahaan dhaqaalihii loogu tallo galay u weecisay dhanka Madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Somalia Cabdullaahi Max’ed Nuur ayaa beeniyay in ay jiraan lacago Musuq-maasuq ah oo Xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen in Wasaaraddu ay isdaba marin ku sameysay.

Mr Cabdullaahi ayaa ka warbixiyay howlaha Wasaaradda Maaliyadda , waxaana mowqif adag iska taagay in ay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya Musuq-maasuqa ay gashay Wasaaradda Maaliyadda sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in Xildhibaanada Baarlamaanka ay yihiin dad Masuuliyiin ah oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed sidaas aawgeed ay waji gabax ku tahay in hadallo aan loo meel dayin ay Baarlamaanka horkeenaan sida uu yiri.

DF Somalia ayaa u xuubsiibaneysa isdabamarinta xuquuqda Shaqaalaha Dowlada, waxaana jirin cid gaar ah oo hakinta musuq-maasuqaasi iska xil saartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com