Xog: Heerka uu gaaray musuq maasuqa shirkada Soma Oil & Gas oo sir badan laga ogaaday (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ka socda Xafiiska ka hortaga Musuq Maasuqa baahsan ee loo yaqaan Serious Fraud Office (SFO) ayaa lagu wadaa inay wareysi la yeeshaan Madaxa shirkadaasi oo horey usoo noqday hogaamiyaha Xisbiga Conservative Party UK.

Michael Howard oo ah madaxa ugu sareeya ee shirkada Soma Oil & Gas ayaa sheegay inuu la kulmi doono saraakiisha wax baareysa isagoo iska fogeeyey inuu isagu wax lug ah ku leeyahay musuq maasuqa lagu soo eedeeyey shirkadaasi, maadaama uusan waxna la kala socon hawl-maalmeedka shirkadaasi, isagoo kaalintiisa ku sheegay (non-executive director).

Xafiiska SFO ayaa bishan furay baaritaanka kadib markii ay soo shaac baxday in lacago badan lagu lunsaday magaca shirkada Soma Oil & Gas oo heshiis horey ulla gashay dowlada Federaalka dhanka wax-soo-saarka Macdanta gaar ahaan Shidaalka iyo Gaaska.

Heshiiska dhexmaray Federaalka Soomaaliya iyo shirkada Soma Oil & Gas oo dhacay bishii Agoosto 2013 ayaa ahaa mid aan wax badan laga ogeyn oo mugdi badan ku jiray, shirkadan ayaa warbixino ay horey usoo saartay lagu sheegay inay baaritaan sahmin ah ku sameyso qeybo kamid ah bada Soomaaliya.

Dadka dhaliila shirkada Soma Oil & Gas ayaa sheegay in heshiiskan uu si gaar ah uga dhaxeeyey Madaxda dowlada Federaalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud isla markaana muhiimadiisu ahayd in lagu helo dhaqaale laga qaado shirkadaha doonaya inay maalgashtaan shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale shirkada SOMA oil & Gas ayaa lagu eedeeyaa inay dooneysay inay si gaar ah ulla wareegto xogta Macdanta Soomaaliya ku jirta si looga iibiyo shirkadaha waaweyn, xogtaasi oo ahayd in dowlada Somaliya iyadu gacanteeda ku jirto sida dalalka madaxa-banaan yeelaan.

Soma Oil & Gas ayaa dhowr mar magaalada London ku qabatay kulamo lacag lagu galayey oo ay uga hadleysay mashaariicda Batroolka iyo sahminta ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Madaxda sare ee shirkadan Soma Oil & Gas ayaa sidoo kale si dad-ban ugu lug lahaa murranka ka taagan xaduuda bada ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Soma Oil & Gas ayaa xiriir toos ah ullaleh shirkadaha laga leeyahay Norway ee doonaya inay shidaalka ka baaraan bada Soomaaliya oo ay sheeganeyso Kenya.

Shirkadaha ka hoos shaqeeya Soma Oil & Gas ayaa laga leeyahay qaarkood dalka Norway sida shirkada SeaBird Exploration oo fadhigeedu yahay Norway, shirkadan ayaa Soma Oil & Gas u sameysay sida ay sheegeen sahminta Batroolka ku jira bada Soomaaliya.

Saraakiisha baaritaanka ku wada shirkadan ayaa ka codsaday in cid walba oo xog ka heysa shirkadan ay lasoo xariiraan xafiiskooda London. Hay’ada baarista Musuq Maasuqa ee Serious Fraud Office (SFO) ayaa arbacadii lasoo dhaafay baaritaan ku sameysay Xaafiisyada shirkada Soma Oil & Gas ku leedahay magaalada London.

Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ahaa mas’uulkii u saxiixay heshiiska Soma Oil & Gas sanadkii 2013 xiligaasi oo uu ahaa Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowlada Soomaaliya, ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay inay lama filaan ku noqotay hadalka kasoo baxay xafiiska Musuq maasuqa ka hortaga ee UK ee loo yaqaan SFO.
heshiiska-shidaalka-Soma-Oil-Gas-HM
Sanadkii lasoo dhaafay ayuu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xayiraad dul-dhigay heshiisyada la xariira macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, arrintaasi oo laga baqay inay xiisad dagaal dhex dhigto maamulada ka jira dalka Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ayaa horey u diiday heshiisyadii ay la galeen shirkadaha caalamiga ah maamulada Puntland iyo Somaliland, balse Federaalka ayaa dhankiisa heshiisyo u gaar ah la galay shirkado kale goobaha baaritsa ay ku jiraan deegaanada ay ka arrimiyaan maamuladaasi arrintaasi oo laga cabsi qabay inay keento xiisado dagaal oo markale ka curta dalka Soomaaliya.

Musuq Maasuqa ugu Weyn.

Baaritaanka lagu wado Soma Oil & Gas ayaa xoogiisa ku jiheysan lacago lagu dhacay Mashaariic lagu sheegay tababaro lasiinayo Wasaarada Macdanta iyo Batroolka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, barnaamijkaasi oo lagu magacaabay “Capacity Building Agreement” ayaa la sheegay in si baahsan loo lunsaday lacagihii loogu talo galay.

Shirkada Soma Oil & Gas ayaa sheegtay inay tababaro siiso Wasaaradaasi isla markaana bixiso kharashaadka waaxyada Wasaaradaasi iyo mushaharka qaar kamid ah shaqaalaha, lacagtaasi oo laga qaadi jiray deeqda guud ee lasiiyo dalka Soomaaliya.

W/Q Khalid Yusuf

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com