Hanjabaad joogto ah: Guddoonka baarlamaanka PUNTLAND oo ugu hanjabay DF Soomaaliya in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo DF Somalia iyo Maamulka Puntland, ayaa waxaa fariin ku aadan Khilaafkaasi Dowlada u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Puntland aysan meel u fadhin doonin Dowlada Somalia, waxa uuna sheegay in xili waliba ay diyaar u yihiin inay iska dhiciyaan Dowlada, kadib markii uu sheegay inay ka dheereysay talaabooyinkeeda.

Waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu wakhti badan ku bixiyay dhismaha Somalia, hayeeshee iminka aysan Puntland u cabiidsanaan doonin DF islamarkaana xili waliba ay soo bandhigi doonaan caqabadaha ay Dowladu ku heyso Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maray Puntland inuu awood badan oo dhaqaale ku bixiyay sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo federal ah, taasoo ah sababtii loo aas aasay Puntland.

Siciid Xasan Shirre ayaa sheegay Puntland inay intaas oo dhan u sameynaysay Soomaalinimo, laakiin wuxuu tilmaamay inaysan jirin cid garatay abaalkii ay u gashay Soomaaliweyn.

Isaga oo arrinkaasi ka hadlaayay ayuu yiri ‘’Puntland awal hore dowlad KMG ah ayay wax la tuur tuuran jirtay, markay ku abaal dhacdayna way iska celin jirtay, laakiin hadda waxaa soo baxay mid aan kumeel gaar ahayn oo sharciyad haysata, sidaas darteedna kama helin Puntland abaalkii ay ku lahayd’’.

Waxa uu Gudoomiyaha ku goodiyay inay laba jibaari doonaan talaabooyinka ay isaga dhicinayaan DF Somalia waxa uuna ballan ku qaaday in Maamulka Puntland uusan saxiixi doonin warqadaha Musuq-maasuqa ah oo ay Dowladu u kala gudbineyso Beesha Caalamka iyo Maamulada kale.

Haddalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo Maamulka Puntland uu dhawaan qaadacay ka qeybgalka shirka Hiigsiga 2016-ka ee kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com