Mudug: Nabaddoon caana oo tooreey lagu dilay!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dhacdo Xanuun badan ayaa ka dhacday deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug kadib markii dil fool xun loo geystay nabadoon halkaasi ku sugnaa.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay deegaanka Buur-saalax oo ka tirsan gobolka Mudug sida masuuliyiinta deeganka ay saxaafada u sheegeen.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib muran soo kala dhex galay wiil uu dhalay nabadoonka la dilay iyo ruuxa dilka geysanaya, waxaana kadib goobta lagu dilay nabadoonka.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabo Heybe Cabdi Warsame ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday tooreey, sida gudoomiyaha deegaanka uu sheegay.

C/raxmaan Cabdi oo ah gudoomiyaha deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug ayaa sheegay in nabadoonka uu kusoo baxay murunka u dhaxeeyay wiilkiisa iyo ruuxa dilka geystay, laakiin ruuxa dilka geystay uu heytay Tooreey kadibna nabadoonka oo kasoo horbaxay kudhiftay.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com