Dowladda Somalia oo ku fashilantay dhaqaale ay dalbatay iyo shuruud adag oo lagu xiray (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Hay’adda Caaalamiga ee Lacagaha Adduunka ee IMF, ayaa lagu sheegay in Hay’adu ay si KMG ah u hakineyso adduun lacageed loogu tallo galay in la amaahiyo DF Somalia.

Hay’adda ayaa bixinta dhaqaalahaasi ku xirtay damiin, kadib markjii wafdi ka socday Hay’adda oo dhawaan soo gaaray Muqdisho DF Somalia ku xujeeyen inay la timaado damiin si lacagaha ay doonto loo amaahiyo.

Mr Rogerio Zandamela oo ah madaxa Wafdiga IMF hogaaminaayay ayaa sheegay in Hay’addu ay diyaar u tahay inay xiriir dhanwaliba la sameyso DF Somalia, balse tan lagamamaarmanka ay tahay in DF ay hesho Hay’ado caalami ama Dowlado damiinta inta uu ka kobcaayo xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale, Mr Rogerio Zandamela ayaa amaanay kaalinta DF Somalia ay ku leedahay Dowladaha dhaqaalahooda uu soo kobcaayo waxa uuna rajo ka muujiyay in Somalia ay kasoo bixi doonto shuruuda si ay dhankooda u fuliyaan amaahda.

Waxa uu sheegay inay muuqato kobaca Dhaqaalaaha Somalia, marka loo eego qaabkii uu ahaa 25-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Rogerio Zandamela waxa uu farta ku fiiqay in sare u kac laga dareemayo wax soo saarka Somalia, gaar ahaan dhinacyadda Xoolaha, Kalluumeysiga, Wershadaha, Isgaarsiinta, Dhismooyinka, Xawaaladaha Lacagaha iyo Beeraha.

Dhanka kale, Madaxda Qaranka gaar ahaan Madaxweyne Xassa, Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka maaliyada ayaa looga fadhiyaa inay la imaadan damiin si Somalia ay dhaqaale uga deensan karto Hay’adda IMF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com