Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay ‘ninkii dilay’ Hibo Qaasim Maxamed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xalay howlgal ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu ka dambeeyey dilka Allaha u naxariistee Hibo Qaasim Maxamed oo aheyd gabar ardayad ah oo ku baastay imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Jeylaani Aadan Abaadir, kaas oo wareysi lala yeeshay ku qirtay inuu dilay marxuumad Hibo Qaasim Maxamed.

Taliyaha qeybta galbeed ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Ganey oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi iyo sida ay ugu suura-gashay inay ku soo qabtaan eedeysanaha oo markii hore goobta ka baxsaday, kadib markii uu dilka geystay.

Yaasiin Ganey ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu marxuumadda u dilay taleefan dartiis, kaas oo uu doonayey inuu ka dhaco.

“Farxaddii murugada isku bedeshay waa Ilaahey mahaddiisa inaan gacanta ku soo dhignay dambiile Jeylaani Aadan Abaadir oo Moobeyl dartiis u dilay Hibo Qaasim Maxamed oo ardayad aheyd, kana qalin-jebisay dugsiga sare,” ayuu yiri Taliye Yaasiin Ganey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doonaan hay’adda dambi baarista CID-da si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Gacan ku dhiiglihii gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana u gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, sida CID, inkasta oo uu qiraal yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar oo dhashay marxuumad Hubo Qaasim ayaa dhankkeeda u mahad-celisay ciidamada Booliska ee soo qabtay ‘ninka dilay’ gabadheeda.

“Ilaahbaa mahad iska leh, waana u mahadcelinayaa dhalinyarada ii gurmatay gabadheyda oo ayada oo Sooman shalay lagu dilay waddada, Ilaahey ha u naxariisto. Ciidamada  gabadheyda ninkii dilay gacanta ku soo dhigay waan u mahad-celinayaa” ayey tiri Faa’iso.

AUN Hibo waxay dhigan jirtay iskuulka Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay sannadkaan ka baxday, waxaana xusid mudan in iskuulkaasi qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah ardaygii galay kaalinta 1-aad.