Ninkii mindiyeeyey Salman Rushdie oo bixiyey wareysi oo xog badan ku shaaciyey

New York (Caasimada Online) – Ninka lagu eedeeyey inuu mindiyeeyey Salman Rushdie, oo ah qoraa horey ugu gefay qur’aanka iyo Nebi Muxamed NNKH, ayaa sheegay inuu xushmeeyo Ayatollah Ruhollah Khomeini, hase yeeshee aysan dhiir-gelin fatwada dilka ah ee horey uu usoo saaray 

Hadi Matar, oo wareysi siiyey wargeyska New York Post, ayaa sheegay “inuu aqriyey kaliya laba bog oo ka mid ah” buugga Salman Rushdie ee “Aayadaha Shaydaanka.” 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu arkay tweet xilli qaboobihii tegay lagu sheegay in qoraaga uu booqan doono Machadka Chautauqua, taasi oo fikrad ka siisay meesha uu tegi doono, si uu ugu beegsado.

Salman Rushdie, oo 75 jir, ah ayaa lagu waday inuu khudbad ka jeediyo machadka oo ku yaalla galbeedka gobolka New York, markii Matar oo 24 jir ah uu ku weeraray kuna dhuftay dhowr mindi, Jimcihii tegay. 

Rushdie ayaa waxaa madaxiisa saarnaa abaal-marin tan iyo markii uu daabacay buugga “Aayadaha Shaydaanka” 1988—kii, taasi oo keentay in Khomeini uu soo saaro fatwo ugu baaqeysa Muslimiinta inay dilaan. 

“Waan xushmeeyaa Ayatollah. Waxaan u maleynayaa waa qof maamuus weyn, intaas kaliya ayaan sheegi karaa,” ayuu Matar u sheegay New York Post oo wareysi muuqaal ah kula yeeshay xabsiga. 

“Ma ahan qof aan aad u jeclahay,” ayuu Matar yiri mar wax laga weydiiyey Salman Rushdie.

“Waa qof weeraray Islaamka, wuxuu weeraray diintooda iyo waxa ay aaminsan yihiin,” ayuu Matar u sheegay New York Post, isaga oo intaas ku daray inuu YouTube ka daawaday muuqaallada Rushdie.

Matar ayaa beeniyey inuu xiriir la leeyahay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran. 

Matar ayaa ugu yaraan 10 jeer mindida ku dhuftay Salman Rushdie, waxaana dhaawacyo ay ka garaeen beerka, neerfaha iyo gacan, wuxuuna waayey hal il.

Matar waxa uu ku dhashay Mareykanka balse waalidkiis waxay kasoo jeedaan Koonfurta dalka Lubnaan.