R/W Xamza oo muujiyay afar qodob oo loo fahmay saldhiga dhaqan siyaasadeedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo afjaray maalmo shaqo ku wareejin oo xubnihii xukuumaddii hore ay kaga baxeen xeyndaabka. 25 wasiir ayaa la wareegay shaqada, kuwaas oo ay wehliyaan ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

Intii uu ku guda jiray mas’uuliyad ku wareejinta wasiirrada cusub wuxuu ra’isul wasaare Xamza aad ugu celceliyey 4 qodob oo u muuqday aas-aaskiisa siyaasiga ah, kuwaas oo haddii la dabaqo wax badan ka tari kara dowladnimada Soomaaliya.

Afartaas qodob ayaa kala ah:

1- Ilaalinta ammaanada

Ra’isul wasaarahu wuxuu dhowr wasaaradood ka sheegay muhiimada ammaanada, iyadoo kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh aad loogu eedeeyo musuq, Xamza wuxuu u muuqdaa nin ka gaashaamanaya dhaqankaas.

In la helo madax aamin ah, waxay badbaado u tahay dalka iyo dowladnimada, waxayna jeexi kartaa dariiq lagu tanaado, baaqa ilaalinta ammaanada ee ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa hor taalla xujo ah in la fuliyo.

2- Shaqooyinkii hore

Dhowr wasaaradood oo uu ra’isul wasaaruhu tagay si uu shaqooyinka ugu kala wareejiyo wasiirrada cusub iyo kuwii hore wuxuu ka sheegay hadalo aan looga baran xukuumadaha cusub.

Xamza wuxuu qiray in shaqo badan oo wanaagsan la qabtay, wuxuu si weyn u bogaadiyey wasiirradii shaqada ka tagay oo uu sheegay in aysan qaarkood mudneyn inay baxaan marka la eego shaqada ay qabteen.

Waa xeer fiican in laga marqaati kaco wanaagga, dowladda Soomaaliyana macno weyn ayey u leedahay in madaxda cusub aqbalaan guushii ka horeysay iyo inay sii wadaan wixii horumar ah oo ay keentay xukuumaddii hore.

3- Wada-shaqeynta

Marka xukuumad cusub la dhiso waxaa soo baxa muran iyo is qabqabsi u dhaxeeya wasiirada cusub iyo howl-wadeenada wasaaradaha, waxaana badi sabab looga dhigaa wasiirada cusub oo isku daya inay awoodooda ku tijaabiyaan howl-wadeenada wasaaradaha, waxaana arrintaasi ka dhasha cuuryaamin shaqo iyo kala qeybsanaan.

Ra’isul wasaare Xamza wuxuu muuqday nin heysta waayo aragnimo taas la xiriirta, wuxuuna aad u dul istaagay ahmiyadda wada-shaqeynta iyo faa’iidada ay dhali karto.

Sidoo kale, wuxuu dhawaan mamnuucay inay wasiirada isbadal aan lala ogeyn ku sameeyaan mas’uuliyadaha wasaaradaha. Inta badan wasiirrada xukuumadaha Soomaaliya ee damacsan hanti boobka ayaa beegsada agaasimayaasha guud, si ay u keensadaan qof ay wax wada dhici karaan.

4- Shaqo shacbi ah

Ra’isul wasaare Xamza Cabdi Barre nuxurka khudbadihiisa waxaa laga dhex aqrisan karay sida u uu rabo in shaqada wasaaradaha loo eego maxay shacabku rabaan.

Inta badan wasaaradaha dowladda federaalka ah waxay ahmiyada siiyaan farriimaha loo diro ajaanibta iyo  tababaro yar yar oo nolol maalmeed laga dhex raadiyo. Waxaa aad u yar shaqada wasaaradaha, markii loo eego baahida shacabka iyo sida loo fududeyn karo in la gaaro dadka u baahan adeegga dowladda.

Ra’isul wasaare Xamza wuxuu nuxurka hadalkiisa ku xoojiyey in shaqooyinka wasaaradaha shacabka la waafajiyo, taas oo haddii sii sax ah loo fuliyo gebi ahaanba dhab u badali karta shaqada fadhi ku dirirka ah ee wasaaradaha dowladda federaalka ah.