27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Booliska maamulka Waqooyi Bari oo xiray nin lacag dollar ah u geeyay saraakiil ciidan

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen nin isku dayay inuu lacag doollar ah laaluush ahaan u siiyo ciidanka.

Ninkan oo tagay saldhig uu kaga xirnaa gaari nooca Noah ah oo ay hayeen ciidamada, kaas oo loo haystay soo gelinta khamriga, ayaa isku dayay inuu laaluusho ciidanka si loogu sii daayo gaariga.

Taliska ciidanka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Cabdiqani Saciid Cabdi, wuxuuna haatan ku jiraa gacanta booliska.

“Eedeysanaha ayaa watay lacag uu doonayay inuu ku iibsado sii-deynta gaariga, hase yeeshee ciidanka ayaa si adag uga horyimid falkaasi sharci-darrada ah, isla markaana goobta ku xiray,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Taliska Booliska Waqooyi Bari.

Taliska ayaa caddeeyay in aan la aqbali doonin wax musuq-maasuq, laaluush ama faragelin lagu sameeyo howlaha sharciga iyo amniga. Wuxuu sheegay in qof kasta oo isku daya inuu jebiyo sharciga uu mutaysan doono tallaabo waafaqsan qawaaniinta dalka.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Sharciga ka sarreeya laaluush

Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo C/Qani Saciid Cabdi, kaas oo isku dayay inuu laaluusho ciidanka si loogu sii daayo gaari nooca NOAH ah oo ay hayeen ciidamada, loona heystey soo gelinta Khamriga.

Eedeysanaha ayaa watay lacag uu doonayay in uu ku iibsado sii deynta gaadhiga, hase yeeshee ciidanka ayaa si adag uga horyimid falkaasi sharci-darrada ah, isla markaana isla goobta ku xiray. Lacagtii la soo bandhigayna waxaa loo qabtay caddeyn ahaan.

Taliska Ciidanka Booliska Waqooyi Bari waxa uu caddeynayaa in aan la aqbali doonin wax musuqmaasuq, laaluush ama faragelin lagu sameeyo howlaha sharciga iyo amniga.

Qof kasta oo isku daya inuu jebiyo sharciga waxa uu mutaysan doonaa tallaabo waafaqsan qawaaniinta dalka.

Ciidanku waxay mar kale u mahadcelinayaan shacabka wada shaqeynta la leh laamaha amniga, iyagoo ku boorrinaya in laga feejignaado falalka musuqmaasuqa ah, isla markaana lala soo socodsiiyo hay’adaha amniga cid kasta oo ku lug leh falal noocaas ah.

Allaa Mahad leh.

Screenshot
Screenshot
- Advertisement -

Read more

Local News