Booqashada Farmaajo ee Nairobi iyo saameynta siyaasadeed ee dalalka deriska

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Somalia oo la aaminsan yahay inuusan wanaagsan xiriirka kala dhaxeeyo dalalka safka hore kaga jira arrimaha Somalia, saameyntana ku leh arrimaha Somalia inuusan wanaagsan ayaa la is weydiinayaa sida uu ku dhismo karo siyaasad aan is diidaneyn oo madaxweynaha cusub uu kula dhaqmo dalalka deriska ee saameynta ku leh siyaasadda caalamiga.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xilkii ra’iisul wasaarenimo ku waayay muujinta wadaniyad iyo kalsoonida shacab ee xukuumaddii Sheekh Shariif, isagoo muujiyay wada shaqeyn iyo kalsoonida shacabk taasoo sababtay inuu xilkiisa ku waayo markii ay dalalka deriska jecleysan siyaasaddiisa iyo wadaniyadii uu muujiyay kuna kasbaday kalsoonida shacabka iyo ciidamada qaran, aakhirkiina sababtay in looga yeero dalka Ugandha, cadaadisna lagu saaray inuu xilka iska casilo.

Hadaba, booqashada uu ku tegay Nairobi madaxweyne Farmaajo wadada ma u xaari doontaa xoojinta xiriirka wadamada deriska iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladdiisa cusub?.

Dadka siyaasadda odoroosa ayaa isweydiinaya mustaqbalka dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo, maadaama lagu bartay muujinta wadaniyad iyo dal jaceyl?.

Madaxweyne Farmaajo waxay booqashadaani ugu dhigan tahay tijaabadii ugu horeysay ee wanaajinta xiriirka Kenya iyo Somalia.

Booqashadaan uu madaxweyne Farmaajo ku tegay Nairobi waxay ugu dhigan tahay tijaabadii ugu horeysay. Waxay la mid tahay Soomaaliya oo u furanta xiriirada iskaashaga iyo caalamiga si gara wadamada mandaqada ee ku hareereysan.

Saadaasha siyaasadeed ayaa muujineyso in madaxweyne Farmaajo u heelan yahay xoojinta xiriirka wadamada deriska iyo mandaqada siiba dalalka Kenya iyo Itoobiya oo saameyn xoogan ku leh dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Somalia.

Kenya oo ciidamo kumanaan ah ay ka joogaan gudaha Somalia, si ay dalkeeda ugu badbaadiso dhaqdhaqaaqyada argagixiso, waxaa todobaadkaankaan socdaal ku yimid degmada Dhoobleey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, socdaalkaasi oo aan la soo ogeysiin dowladda Somalia, lana filayay in ay jawaabta ku baboon ka bixiso, oo la saadaalinayay in ay noqon doonto, baajinta safarka madaxeyne Farmaajo ee uu ku tegay Nairobi, taaasina waxay ka marqaati kaceysaa in madaxweynaha Somalia uu u diyaarsan yahay xoojinta xiriirka dalalka deriska iyo in uu muujiyo derisnimo wanaag.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo waxaa laga sugayaa Somalia oo ka madax banaan faragelinta shisheeyaha iyo damaca guracan ee dowladdaha deriska, Somalia oo dal ahaan mideysan iyo dowlad leh go’aan qeexan madaxbannaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com