Xog: Goorma ayaa wasiirada cusub la hor geynayaa xildhibaanada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ka kooban Wasiiro, Xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha Wasiirada cusub lagu horgeeyo Xildhibaanada waxa uuna ku wargaliyay inaanu jirin sabab lagu dib dhigo hortagida Xildhibaanada.

Kheyre ayaa la xaqiijiyay in Guddoomiyaha Golaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka dalbaday in Wasiirada ay hortagaan Xildhibaanada 25/03/2017 oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo heyso.

Kheyre waxa uu sidoo kale Jawaari u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Wasiirada ay Xildhibaanada ka dhaadhiciyaan gudashada Howlaha Qaran ee loo igmaday waxa uuna meesha ka saaray inay dhicikarto in Xildhibaanada BFS ay diidmo ka muujiyaan horgeynta Wasiirada, isagoo sabab ka dhigay in qudhooda ay dareensan yihiin in dalka uu u baahan yahay isbedel iyo shaqo wanaag.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa dhankiisa ka ballanqaaday in Xildhibaanada uu balamin doono isla markaana kullanka uu qabsoomi doono 25/03/2017, haddii aanu dhicin isbedel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com