Boqol ka mid ah ciidankii ugu tababarka wanaagsanaa Soomaaliya oo la ruqseeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in xilliyo kala duwan shaqada laga eryay tobaneeyo ka mid ah ciidanka Gaashaan oo sanado ka hor la hoos geeyay ciimada uu gacanta ku haayo Mareykanka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidankan toos loo hoos geeyay Mareykanka markii xilka laga qaaday taliyihii NISA ee Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxaana markaas sidoo kale laga saaray dhamaan liiska ciidamada Qaranka.

Xubno ka mid ah ciidankaan oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in hadda shaqada laga eryay iyadoo aan sababta loo sheegin, waxaana shaqada ka joojiyay saraakiil Mareykan ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah ciidamadan oo la hadlay idaacadda Kulmiye Muqdisho ayaa arrintan xaqiijiyey.

“Adigoo iska jooga ayaa lagu eryayaa sabab la’aan, hadda aniga oo kale anigoo iska jooga ayaa lay keenay warqadii shaqa joojin, waxaa laygu qoray inaa afar sano ka tirsanaa qof fiican ahay oo waxtar leh,” ayuu yiri qof ka tirsan ciidankii la eryay.

“Markii aan tagnay xafiisyada dowladda qof na qaabisho waan weynay nabad ma heysano oo meel kasta ma tagi karno ciidan ma nihin waxaan codsaneynaa in shaqada ciidanka nagula celiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay askariga la hadlay idaacadda.

Ciidanka Gaashaan waxey qeyb ka yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan kuwa Soomaaliya waxeyna qaarkood tababar ku soo qaateen Mareykanka, halka qaar kalena lagu tababaray gudaha dalka.

Ma cadda sababta shaqada looga joojiyey, hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in arrintan ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan dowladda.

Hoos ka dhageyso wareysiga ciidanka Gaashaan ee idaacadda Kulmiye.