Mareykanka: 24 mas’uul oo sare oo Sacuudiyaan ah oo loo haysto weerarkii 9/11

New York (Caasimada Online) – Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa u yeertay 24 sarkaal oo isugu jira saraakiil hore iyo kuwa ka tirsan dowladda Sacuudiga, si wax looga weydiiyo wixii ay ka ogaayeen weeraradii ay Al-Qacida ku qaaday Mareykanka 11-kii September 2001, oo lagu dilay 3,000 oo qof.

Qofka ugu caansan ee maxkamadda looga yeeray ayaa ah Amiir Bandar Bin Sultan, oo ahaan jiray safiirka Sacuudiga ee Mareykanka.

Go’aankan ayaa wax deg deg usoo dhoweeyey qoysaska dhibanayaasha weerarka, oo ku qeexay tallaabo horey loo qaaday oo caddeyn doonta in xubno ka tirsan dowladda Sacuudiga ay wax ka ogaayeen weerarka.

Qoysaska dhibanayaasha ayaa fuliyey baaritaan madax banaan oo shaaca ka qaaday in laba ka mid ah raggii weerarka fuliyey, Khaled Al-Mihdhar iyo Nawaf Al-Hazmi ay taageero maaliyadeed ka heleen shaqsiyaad ku xiran dowladda Sacuudiga kadib markii ay yimaadeen Mareykanka.

Sida uu shaaciyey Yahoo News bishii May 2020, dokumentiyo FBI ayaa muujiyey in sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga oo ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Washington, kaasi oo kaaliye u ahaa diblomaasi lagu magacaabo Ahmed Al-Jarrah uu si joogto ah xiriir ula lahaa laba qof uu si toos ah weerarka gacan uga gaystay.

Mid ka mid ah raggaas waa Fahad Al-Thamiri oo imam ka ahaa masjidka Boqor Fahad ee magaalada Los Angeles, kaasi oo la kulmay qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyey.

Ahmed Al-Jarrah oo tan iyo sanaddii tagtay ka shaqeynayey safaaradda Sacuudiga ee Morocco ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ay maxkamadda u yeertay. Waxaa sidoo kale loo yeeray Saleh bin Abdulaziz Al-Sheikh oo ahaan jiray wasiirka arirmaha diinta Sacuudiga.

Amarka loogu yeeray 24-ka qof ayaa loo diray dowladda Sacuudiga, waxayna ku xirnaan doonta go’aankeeda haddii ay u ogolaaneyso inay maxkamadda ka hor marqaati furaan, taasi oo la rumeysan yahay inaysan dhici doonin.