A/Madoobe iyo Qoor Qoor oo soo laabtay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safarkii deg-dega ahaa oo ay shalay ku kala aadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo uga qeyb galay aaska Allaha u naxariistee guddoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay salaadii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah lagu dilay.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna galabta soo gaaray Muqdisho, kadib safar gaaban oo uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysay safarka uu Qoor Qoor ku tegay Nairobi, hase yeeshee wuxuu halkaas kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka iyo xubno uu ku jiro madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sabtidii maanta waxaa lagu waday in uu Muqdisho ka furmo shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, balse dib u dhac aan sababtiisa la shaacin ayaa ku yimid, iyadoo ay xusid mudantahay inay Muqdisho ka maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Axmed Qoor Qoor.

Si-kastaba Muqdisho caawa waxaa ku wada sugan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, waxaana la filayaa inuu shirka si rasmi ah u furmo berri, haddii aysan iman caqabad cusub.

Shirka oo saddex goor oo horey baaqday ayaa lagu rajo weyn yahay inuu berri furmo, balse waxaa weli jira shaki iyo cabsi ku saabsan in arrimo lama filaan ah ay iman karaan, sidii dhowr jeer oo horey dhacday.