Sawiro: Boqolaal qof oo isugu baxay duco ka dhacdayisgoyska Zoobe ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaadii jimco kadib ayaa waxaa Isgoyska 14 October (Ex Zoobe) isugu yimid boqolaal qof oo kasoo baxay salaada Jimco si ay ugu duceeyaan Walalaahoodii lagu xasuuqay halkaas.

Imaamka Masjidka Zoobe Sheekh C/xayi Sheekh Aadan ayaa halkaas khudbad uga jeediyey dadkii isugu soo baxay, waxaana meeshaas ka dhacday duco weyn oo Alle looga baryey inuu cafis u fidiyo dhammaan dadkii halkaas ku dhintay, sidoo kale uu Alle caafiyo inta dhaawaca ah.

Isgoyskaanb ayaa 14 Bishaan ku dhintay ku dhawaad 300 qof halka tiro intaas la eg ay ku dhaawacmeyn kadib markii naftii haligi uu isku qarxiyey xilli uu isgoyska ahaa mid aad u mashquulsan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada: