Buurmadow oo shaaciyay laba arrin oo hortaagan xalka dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shaaciyay arrimaha xilligaan ku horgudban in wada-hadal laga yeesho arrinta taagan.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in xal nabadeed uusan imaan karin inta ay ciidamada Somaliland joogaan duleedka Laascaanood, isaga oo ku taliyay in la geeyo magaalada Oog.

“Ninkan (Muuse Biixi) waxa uu qorayo waxba kama jiraan ee ciidanka Oog ha la geeyo. Ciidankaas marka uu Oog tago nabad-gelyo waa la helaya, wada-hadal miyir qaba iyo shacabkana xumadan waa ka degaysa,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Waxa kale oo uu sheegay in xalka nabadeed u xayiran yahay in shacabka reer Laascaanood garowshiyo laga siiyo duqeymaha iyo gumaadka uu kula kacay maamulka Muuse Biixi.

“Beesha Caalamka haddii ay wax qabaneyso ciidankan ha qaado oo halkaas (Oog) ha geyso si xal nabadeed iyo jawi lagu wada-hadli karo u yimaado.”

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu xusay in garaadada SSC uusan go’aanka gacantooda ugu jirin, maadaama ay dadkii reer Sool kaceen oo ka dhiidhiyeen weerarka ku socda.

“Cid kasta oo ajnabi ah oo ka hadlaysa garaadada kuma dhici karaan in wada-hadal dushooda ku furaan dadka dhibaatada ku dhacday, garaadadu tallada malaha ee waa guddoomiyaan. Dadkii ay u guddoominayeen waa arkeysa oo halgankan dacalkay qabsadeen ninkii dilayay ee duqeynayay oo dul taagan wada-hadal inay furaan ma doonayaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka ay xukuumadda Muuse Biixi ku qaaday magaalada Laascaanood uu mideeyay beesha degta halkaasi “Muuse Biixi waxa uu mideeyay Darood, dhibta kale uu keenay tolkiina wuu kala diray oo cid la dagaal galeysa majirto.”