Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay inay diyaar u tahay in dagaalka ka socda magalaada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dhameeyo wada-hadal iyo nabad-gelyo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay mowqifkeeda ku aadan dagaalka socda ay la wadaagtay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland (Civil Society Organisations).

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa waxa uu warbixin dheer ka siiyey Ururada Bulshada Rayidka ah nabad-gelyada iyo sida ay xukuumadda uga go’an tahay in dhibaatada magaalada Laascaanood ku dhamaato heshiin iyo hanaan nabdoon.

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa dhinoocada wasiirka la wadaagay aragtidooda ku saabsan in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo horuumarka dalka, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin wada-shaqaynta joogtada ah ee labada dhinac, gaar ahaana wasaaradaha ay wada-shaqaynta leeyihiin ay ka mid tahay wasaaradda arimaha gudaha.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan uu ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo in loo wada-shaqeeyo si ka dhow sidii hore, iyada oo masuuliyiinta ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ay uga mahad-celiyeen Wasiir Maxamed Kaahin warbixinta buuxda ee uu siiyey iyo kulan ay wada qaateenba.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxa kulankan ku wehlinayey Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday xabad joojin aan dhaqan-gelin, ayada oo marar dhowr ahna sheegtay inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka lagula xaliyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, haddana majirto wax ay ka tartay dagaalka oo weli sii socda.

Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraysa xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dheeraad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa xalay iyo saaka gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, islamarkaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo maalmo badan qaatay.

Dhinaca kale Somaliland ayaa iyaduna ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaasi oo ay ka wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah ciidanka deegaanka.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.