Roobow iyo Saalax Shariif oo ay ka dhex tafatay kadib tallaabo uu qaaday Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Warqad 4-tii bishaan kasoo baxday xafiiska Wasiir Roobow ayaa waxa lagu magacaabay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023. Guddigaan ayaa ka kooban 9 xubnood oo uu ku jiro nin la dhashay wasiir Roobow.

Saalax Shariif, wasiir ku-xigeenka wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in guddigan uu magacaabay wasiir Roobow uu yahay kuwa lagu soo xulay hanaan sharci darro ah, kaasi oo ku dhisan eex, nin jecleysi iyo kooxeysi diimeeda, sida uu sheegay.

“Taas oo wax u dhimi karta hufnaanta tartanka adeega Xajka,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda oo si weyn uga horyimid hanaanka soo xulista guddigaan.

“Guddigan waxaa ku jira xubno aan ahayn shaqaalaha wasaaradda lehna shirkado ganacsi oo u tartamaya adeega Xajka, taas oo meesha ka saaraysa helida fursado cadaalad ah oo loo siman yahay.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa madaxda sare ee dalka ka codsaday inay soo fara-geliyaan arrintaan, oo uu ku tilmaamay ku tagrifal awoodeed.

Guddigaan Xajka ee uu magaacabay Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa waxaa xubnaha guddiga xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sanadihii dambe waxaa ragaadiyay khilaaf la xiriira arrimaha Xajka, iyada oo inta badan sanad walba marka uu soo dhawaado xilliga Xajka ay sidaan oo kale madaxda wasaaradda ay soo saaran amaro is diidan oo la xiriira arrintaan.

Hoos ka arag warqadaha kasoo kala baxay wasiirka iyo ku-xigeenka wasaaradda