Faah-faahin hordhac ah oo laga helayo jug culus oo caawa laga maqlay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba jug oo xoog leh oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa la weeraray ciidan fariisin ku leh isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubka loo adeegsaday weerarkaas, dadka qaar waxay sheegayaan in laba bamgacmeed lagu tuuray ciidanka.

Dadka qaar ayaa noo sheegay in ciidanka lagu riday laba xabadood oo ka dhacday qoriga RPG ee Sebenka loo yaqaano, balse si rasmi ah looma oga cidda fulisay weerarkaas iyo waxa loo adeegsaday.

Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas inta uu la egyahay, waxaana lagu kala cararay aagga isgoyska KPP.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dhacdadaan, sidoo kale kooxda Al-shabaab oo la aaminsan yahay inay geysatay weerarkaan ayaan weli ka soo hadlin weerarkaan.

Maalmahaan amniga caasimadda Muqdisho ayaa ahaa mid liita, waxaana ka dhacayey dilal iyo qaraxyo soo boodo ah, sidoo kale hoobiyeyaal ayaa dhowr mar lagu garaacay magaalada.

Waxaa xusid mudan inay yaraadeen qaraxyadii gaadiidka lagu soo rari jiray oo la aaminsan yahay inay ka hor tageen ciidamada ammaanka oo howlgallo culus ka fuliya Caasimada Muqdisho.