Xasan Sheekh oo maraya tijaabadii ugu adkeyd ee isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii u socdaalay magaalada Doha ee waddanka Qatar. Dowladda Qatar ayaa bixisay saaxiibtinimo shaqsiyaad iyo mid Soomaaliyeed-ba shantii sano ee uu talinayay nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Soomaaliya ayaa isbedel aaday 15-kii May 2022, dowladda Qatar waxay weli ku adkeysaneysay in Farmaajo kusoo laaban karo xafiiska waxayna taageertay musharaxeedii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin codkii iyo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu noqday Xasan Sheekh Maxamuud.

Tobankii bilood ee lasoo dhaafay qorshaha Qatar ee arrimaha Soomaaliya ma caddeyn, waxaase jira warar sheegayay inay xiisaynayeen wada-shaqeyn furan.

Dhowr bilood kahor Taliya NISA Mahad Maxamed Salaad ayay casuumtay dowladad Qatar, waxaana Caasimada Online ogaatay inay dalbadeen in waqti badan la galin wada-shaqeyntii gaarka aheyd ee nidaamkii baxay, taas badelkeeda hadda la furo bog cusub oo labada dal ah.

Maalmihii tegay waxaa xoogeystay gacan-saarka Villa Somalia iyo dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo laga yaabo inay si taban u saameyso fikrada Qatar ka aaminsan tahay dowladda Xasan Sheekh.

Magaalada Doha waxaa maalmahan ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Lama oga inay madaxweyne Xasan Sheekh is arki doonaan.

Hoggaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ololaha doorashada kusoo galay inuu keeni doono Soomaaliya oo Dunida heshiis la ah.

Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah, waxaana isha lagu wada haya qaabka ay Qatar isku fur-furto iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u wada kasbado labada dal oo ay dowladdii hore ku guuldareysatay inay wada kasbato.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulisay dhowr mashruuc oo maangal ah shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la aaminsan yahay in haddii iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax badan ka tari karto dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah iyo kabka maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa dhawaan si kumeel-gaar ah u badashay danjirihii Soomaaliya ee Doha, taas oo lagu fasiray isku diyaarinta Soomaaliya ee cilaaqaadka cusub ee Qatar.

Wasaaradda ayaa u yeertay safiirkii dalka u fadhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online.  Warqadda oo ku taariikheysan 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsheel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday inay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ayaa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub.

Safiir Cabdirisaaq ayaa kamid ahaa safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u yeeristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha.

Si kastaba, Dad badan waxay qabaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia, waxaana isha lagu wada haya tallaabooyinka uu dhankaas u qaadi doono.