Boqortooyada Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah wiilka Jamal Khashoggi

Riyadh (Caasimada Online) – Iyadoo ay xiisad ka dhalatay dilka Suxufiga Jamaal Khashoggi ayaa waxaa hadana soo baxaaya in maamulayaasha Sacuudiga ay culeys ku hayan xubnaha qoyska Saxafiga ee ku sugan gudaha Sacuudiga.

Wakaalada wararka AP oo xiganeysa qof saaxiib dhow la ah qoyska Jamal Khashoggi, ayaa sheegay in mid ka mid ah wiilasha suxufiga oo lagu magacaabo Saalax Jamaal Khashoggi laga mamnuucay inuu ka dhoofo Sacuudiga.

Waxaa la sheegay in Salax la saaray xayiraad dhinaca Safarka ah, iyadoo loo sababeynayo mucaradnimada aabihii dhintay ee Jamaal Khashoggi, iyo cabsi laga qabo hadduu dalka ka baxo inuu qaado olole ka dhan ah boqortooyada Sacuudiga.

Waxaa sidoo kale jirta suurto-galnimo ah in haddii Jamaal dalka ka dhoofo uu dacwad caalami ah kusoo ogi karo xubnaha boqortooyada, isaga oo tegeaya maxkamadda caalamga ah ee dambiyada ee Hague.

Dowlada Sacuudiga oo wax laga weydiiyay xayiraadasi ayaa ka gaabsatay inay xaqiijiso xayiraada la saaray Saalax.

Laba ka mid ah wiilasha Saxafiga oo lagu kala magacaabo Saalax iyo Sahal ayaa la kulmay Boqor Salmaan iyo dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman, kaa oo ka dhacay qasriga Yamama ee magaalada Riyadh, iyadoo labada wiil looga tacsiyadeeyay geerida aabahood.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga Erdogan waxa uu isna khadka teleefanka kula hadlay wiil Seddexaad oo uu dhalay Jamal Khashoggi kaas oo lagu magacaabo Cabdalla Jamaal waxa uuna uga tacsiyadeeyay geerida aabihii.

Dowlada Sacuudiga ayaa waxaa saaran cadaadis ka dhashay dilka Jamaal Khashoggi oo aan wali laga helin macluumaad buuxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com