Sacuudiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo u fadhin doono gudaha magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu magacaabaa Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, wuxuuna u qaabilsanaan doonaa howlaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad aaladda fogaan aragga ku dhaariyey Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud.

Sidoo kale waxaa xafladda dhaarinta goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, sida wasiirka arrimaha dibadda Amiir Faisal Bin Farxaan Bin Abdullah iyo saraakiil kale.

Danjiraha cusub ayaa waxaa uu ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka haatan ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Dhinaca kale waxay magacaabista safiir Al-Muwallad, kusoo aadeysaa, iyada aoo danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga Saalim Macow Xaaji laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.