Sarkaal isku soo dhiibay DF oo xog ka bixiyey Shabaab

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka ee ka howl-gala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta soo soo badhigay sarkaal sare oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iskuna soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Shiniyoow Ibraahin, waxaana uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka kala gobollada Hiiraan, Gedo, Baay iyo Bakool.

Aadan Shiniyoow ayaa sidoo kale Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 10 sano ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka jabhadaha, isaga oo hgaamiye u ahaa ciidan gaarayey illaa 30-askari, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wareysi laga qaaday sarkaalkan ayaa wuxuu ku bixiyey xogo dheeraad ah oo ku saabsan kooxda dhexdeeda, wuxuuna tilmaamay inuu lasoo shaqeeyey hoggaamiyeyaal sar sare oo ay ka mid yihiin afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Sheekh Fu’aad.

Waxa kale uu ugu baaqday xoogag kale ee weli ka bar-bar dagaalamaya kooxda inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi isa soo dhiibay ee muddada sanadaha ah ka tirsanaa kooxdaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, waxaana loo sababeynayaa cadaadiska haatan la saaray kooxda Al-Shabaab.