UK oo ka laabatay liiskii ay horey ugu dartay Soomaaliya

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka mid noqon doonto 47 dal oo laga saaray liiska cas ee safarka, ayada oo dadka ka imanaya aan looga baahnaan doonin inay is-karantiilaan 10 maalmood.

Go’aankan ayaa markii hore loo soo rogay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19, ayada oo Soomaaliya iyo dalalka kale ee liiska lagu daray loo arkay inuu cudurka aad ugu xooggan yahay.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray golaha wasirada UK, waxaana hadda liiska cas ku haray toddoba dal oo kaliya oo dhammaantood ku yaalla Latin America. 

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysya go’aankan, waxayna sheegtay inuu astaan u yahay iskaashiga UK iyo Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa sidoo kale sheegtay inaysan dadka Soomaaliya ka imanaya uga baahnaan doonin caddeyn muujineysa inay iska tallaaleen cudurka COVID-19.

Inkasta oo aysan badneyn dadka isaga kala gooshan Soomaaliya iyo UK, haddana liiskan ayaa caqabad ku ahaa Soomaalida degan UK, oo markii ay Soomaaliya ku qasbanaa inay is-karantiilaan 10 maalmood.

Dowladda UK ayaa la filayaa inay mar kale cusbooneysiiso liiska, waxaana lagu soo dari doonaa 35 dal oo cusub, oo ay ka mid yihiin kuwa ku yaalla Afrika sida; Masar, Ghana, Kenya, Morrocco, Nigeria iyo South Africa.