Weerar culus oo xalay lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudi Carabiya

Jizan (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dhaawacay weerar xalay lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Jizan ee Sacuudi Carabiya, ee ku dhow xuduudda Yemen. 

War-saxaafadeed kasoo baxay xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen, oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in “gantaal ay soo tureen cadowga” uu ku dhacay garoonka diyaaradaha King Abdullah. 

Dadka dhaawacmay ayaa ka kooban lix qof oo Sacuudiyaan ah, saddex u dhashay dalka Bangladesh iyo qof reer Sudan ah. Sidoo kale qaar ka mid ah muraayadaha daaqadaha garoonka ayaa daatay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa inta badan fulisa weerarada noocan ah. 

Kooxda Xuutiyiinta ayaa toddobaadyadii tegay xoojisay weerarada gantaallada ah ee ay ku qaado Sacuudiga. 

Afar shaqaale ayaa Arbacadii ku dhaawacmay kadib markii xulufada ay dhexda ka qabteen diyaarad drone ah oo lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Abha, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, diyaarad Drone ah ayaa isla garoonkaas lagu dhuftay 31-kii August, waxaana ku dhaawacmay sideed qof, ayada oo ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad shacab.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin weerarkii ugu dambeeyey ee xalad dhacay.