Muxuu C/raxman Baadiyow ka yiri xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna iyo GALMUDUG?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray kaga hadlay xiisadda dagaal ee Ahlu Sunna & Galmudug, taas oo ka taagan magaalada Guriceel.

Dr Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Galmudug uu ceeb ku yahay madaxda dowladda dhexe, gaaraan Farmaajo, Rooble iyo dhammaan waxgaradka maamulkaasi.

“Dagaalka waxaa ku ceebaysan RW. Roble iyo MW. Farmajo oo reer Galmudug ah, iyo dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug” ayuu qoraalkiisa ku yiri Dr Baadiyow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato Guriceel, sidoo kalena laga haboon yahay in Galmudug ay iyaduna dagaal xal u aragto.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna inay joojiso dagaalka, isla-markaana wax kasta lagu dhammeeyo wada-hadal, si looga baaqsado inuu dhiig daato.

“Ahlu-Sunna waa in ay joojisaa dagaalka, nabadgalyada dhawrtaa, wixii tabasho ahna la xaliya” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Dr Cabdiraxmaan Baadiyow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey Galmudug iyo Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Si kastaba, xiisaddan ayaa weji cusub u yeeshay xaaladda Galmudug oo horey dagaal adag ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Galgaduud iyo Mudug.