BORIS JOHNSON oo war kasoo saaray walaaca laga qabo tallaalka AstraZeneca

London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in wax uu ugu yeeray “waddada lagaga soo xerayo” talaalka dalkiisa soo saaray inaysan caqabad ku noqon doonin arrimaha tallaalka Oxford-AstraZeneca, shacabka dalkiisa iyo guud ahaanna dunida u sheegay inuu tallaalkaasi yahay mid ammaan ah oo la hubiyay.

Boris Johnson ayaa intaa ku daray in isagu u qaadan doono Jimcaha “Maanta” talaalka Oxford-AstraZeneca, wuxuuna sheegay in faa’iidooyinka tallaalka uu yahay ka-hortaga iyo difaaca cudurka COVID-19.

Ra’iisul wasaare Boris ayaa intaa raaciyay cudurka Covid-19 halistiisa tahay mid ka awood badan tallaalka shakiga la geliyay, isagoona dadka ku booriyay inay qaataan guud ahaan shacabka ku nool UK iyo dunida kale.

Hadalka ra’iisul wasaaraha UK uu ka jeediyay Downing Street ayaa wuxuu kaloo ku sheegay in UK dib u dhac ku yimid tallaalka bisha April aysan saameyn ku yeelan doonin dardar gelinta howlaha tallaalka, kadib markii hay’adda caafimaadka UK ee NHS ay ka digteen in la yareeyo agabka tallaalka bisha Abriil.

Dib u dhaca tallaalka bisha April ayuu Mr. Johnson wuxuu ku xaqiijiyay in sahayda tallaalka AstraZeneca inay saameyn ku yeelatay dib u dhac ku yimid shixnadaha tallaalka Oxford-AstraZeneca ee ka imaan lahaa Machadka daawooyinka Serum ee dalka Hindiya.

Seynisyahanada iyo hay’addaha qaabilsan hubinta iyo bedqabka daawooyinka ee UK iyo midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in aysan jirin wax caddeyn ah in tallaalka Covid-19 uu sababay xinjiro dhiig.

Dalal ka tirsan Yurub ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca iyagoo ku sababeeyay tiro dad ah oo dhan 37 qof in lagu arkay dhiig xinjiroow markii ay tallaalka qaateen kadib, mana jirto cid u dhimatay oo lasoo wariyay.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London, UK