Cabdi Xaashi oo meesha ka saaray arrin la sheegay inuu ka rabo isbaheysiga cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shalay loo doortay guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ayaa meesha ka saaray in waxa uu ka damacsan yahay dhismaha madashan cusub ay tahay inuu xil ku helo.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu yahay midnimo doon iyo Soomaali in la isu keeno, isagoona ku guubaabiyay cid kasta oo Soomaaliyeed inay garato waxa saxa ah iyo waxa horyaala. 

Cabdi Xaashi Xaashi ayaa ku celceliyay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka gudubto oo ka baxdo qabiilka, isagoona soo qaatay erayo suugaaneed guubaabo aheyd oo dalka hodan yahay, Soomaalidana u muuqan kheyraadka alle ku maneystay. 

“Waxaan is leeyahay talada halkaan ka soo baxda waxay noqon doontaa mid Soomaali u horseeda inay garato wadada saxan, oo inta isku imaano aan doorano qofka noogu haboon, in kastoo aan qabo waxa dalkeenna halkaan dhigay inuu yahay qabiil, haddana waxaan rajeynayaa inaan ka gudubno qabiilka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

“Inagoo isku duuban oo iska jecelahay anigu, inaanu reer hebeleyn ee aanu midnimadu Soomaaliyeed, heshiis Soomaaliyeed iyo doorasho Soomaaliyeed heshiis lagu yahay  sidii aan lagu gaari lahaa inaanu ka tashano mudadaasi,” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo sheegay in isagu aheyn xil doon.

“Aniga xil doon ma ihi laakiin midnimo iyo Soomaali doon baan ahay,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay madashii looga dhawaaqay madasha Badbaado Qaran. 

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo miisaan siyaasadeed ku leh xubnaha gobolada Waqooyi kasoo jeeda, isagoona si weyn ugu soo horjeeda siyaasadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, sababta loogu doortayna guddoomiyaha madasha badbaado qaran ay tahay miisaanka siyaasadeed iyo in mucaaradka ay helaan awooda xildhibaanada Waqooyi.